Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hoolka Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Lagaga Dhawaaqay Kiiska Ilmo Yar Oo Muddo Dheer Saddex Qoys Ku Muransanaayeen+Magacyada Cidda Loo Xukumay Iyo Cidda Laga Xukumay

Maxkamadda degmada Laascaanood ayaa maanta xukun kasoo saartay kiiska ilmo yar oo muddo lagu muransanaa,kaas oo ay isku haysteen saddex qoys oo kala duwan.

Waxaana dacwadda Ilmahan yar muddo gacanta ku  haysay maxkamadda gobolka Laascaanood taas oo markii danbe usoo gudbiysay xukunkiisa maxkamadda Sare ee Somaliland si ay ugala shaqeeyaan kiiskan.

Ilmahan yar oo da’diisu tahay 12 jir ayaa waxa saaka hoolka maxkamadda sare ee Somaliland lagaga dhawaaqay xukunka kiiska ilmahan yar.

Waxaana ilmahana yar isku haystay saddex qoys oo kala ah hooyo Muna Cabdikariim Maxamed oo iyadu dhashay ilmahan iyo laba nin oo kale oo iyagu dhankooda sheeganayey inay dhaleen ilmaha oo lagu kala magacaabo Xasan Xirsi Cilmi iyo Maxamed Aadan Umal.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji Cali oo isagu muddoba gacanta ku hayey kiiska ayaa sheegay in baadhis dheer oo lagu sameeyey ilmahan yar ka dib markii laga qaaday Dhiiga Jinsiga ee loo yaqaan DNA ayna ka taliyeen dhakhaatiirta takhasuska u leh in uu ilmahaasi la dhiig yahay Hooyo Muuna Cabdikariin Maxamed oo ka soo jeeda Qoomiyada Oromada ee dalka Itoobiya,sidoo kalena gudoomiyuhu waxa uu carabka ku dhuftya in aanay maxkamadda sare xukunkan ku dhawaaqin balse ay maxkamadda degmada Laascaanood ku dhawaaqay iyaguna ay ku caawiyeen in hoolka maxkamadda sare lagaga dhawaaqo kiiska ilmahan yar madaama oo qoysaska isku haystaa ay wakhti xaadirkan ku sugan yihiin magaalada Hargeysa.

Waxaana gudoomiyaha maxkamadda sare u xukumay ilmahan yar inay dhashay Hooyo Muna Cabdikariim Maxamed,waxaana laga xukumay oo la sheegay in aanay dhalin ilmahan yar laba nin oo kasoo kala jeeda laba qoys oo mid kasteba uu sheeganayey inuu dhalay ilmaha balse uu waayey kuwaas oo kala ahaa Xasan Xirsi Cilmi iyo Maxamed Aadan Umal.

Hooyo Muuna oo ah gabadha loo xukumay Ilmahan yar ayaa waxay u mahad-celisay Maxkamadaha iyo garsoorka dalka iyo qaabka ay u qaadeen Dacwada.

Ugu dambayn Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa waxa uu sheegay in kiiska noocan ahi aanu ahayn markii ugu horeysay ee uu soo maray Maxkamada balse ay hore uga garnaqeen dacwado kuwan oo kale ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com