Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wareegtaddii Lagu Kala Diray Guddiga Dacwaddaha Dhul Oo Shaqayn Wayday Iyo Go’aanka Wasiir Faratoon

Wareegtaddii uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo hofaratoon(11).jpgraantii  bishii jeennaweri ee aynu soo dhaafnay uu  ku kala diray guddiga dacwaddaha dhulka Caasimadda Hargaysa, taasoo ilaa maanta aan dhaqan gelin, iyaddoo ay si cad guddigaasi u beeniyeen Wareegtaddii Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland.

Guddiga dacwaddaha dhulka ee magaalada Hargeisa, oo muddo xileedkooddu ahaa laba Sano oo qudha, ayaa waxay marka sarre ka jareen Lixsanadood iyo badh, iyaddoo dadweynaha Caasimadduna marar badan cabasho dhanka garsoorka ah ka muujiyeen, waxaanna sidoo kale lagu eeddeeyaa Laaluush ay ka qaadaan dacwaddaha dhulka ee ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale, wasaaraddaha ay ka kala

yimaaddaana waxay ahayd inay soo bedellaan Xubnahan mudada dheer shaqaynaayay, balse waxa aad mooddaa Wasaaraddaha ay khusayso inay la shaqaynayaan, waxaanna muuqata inaanay u hoggaansamin wareegtaddii lagu kala diray, isla markaanna dhinacyadda ay khusayso oo dhan lagu socod-siiyay inay soo bedashaan.

Wareegtadda Wasiir Faratoon ee shaqayn wayday ayaa si toosa luugu socod-siiyay fullinteedda Maayarka Caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan SOLTELCO, iyaddoo dhinaca kalenna lagu war-geliyay inay si deg deg ah u soo gudbiyaan Xubnihii bedali lahaa guddiga muddo-dhaaftay ee kala diray.

Lama garannaayo sababta ay u hirgeli waday Wareegtadda lagu kala diray guddiga dacwaddaha ee Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, haseyeeshee maalmaha soo socda  ayaa la dhawri doonnaa qaraarka ay ka qaataan Wasiir Faratoon iyo Maayarka Caasimadda Hargeisa Cabdiraxmaan SOLTELCO.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com