Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dooxyadii Galbeedka Iyo Bariga Magaalada Hargeysa Oo Daadad Xoogani Marayaan Iyo Gaadiid Iyo Dad Tiro Badan Oo Ku Xaniban

Wararka nasoo gaadhaya  dooxyada  bariga iyo galbeedka  ayaa waxay sheegayaan in ay soo dhaceen dooxayadii dhinacyada Bariga iyo Galbeedkaba magaalada Hargeysa kaga beegnaa kuwaas oo ay marayaan sida naloo sheegay daadad xoogan.

Waxaana jidadka waa wayn isku xidha gobolada galbeedka iyo bariga ku xaniban baabuur tiro badan oo ay saaran yihiin dad tiro badan kuwaas oo qaarkood ay saacado badan taagnaayeen isla markaana aanay mari Karin dooxyadaasi biyaha oo si xawli ah u soconaya awgood.

Sidoo kalena wararku waxay intaa ku darayaan in dooxyadaasi ay joogaan ciidamo kuwaas oo baabuurta u diidaya inay maraan ilaa inta ay biyuhu yaraanayaan.

Gabagabadiina shalay ahayd kadib markii dooxa deegaanka Aw-barkhadle ee duleedka Bari ee magaalada Hargeysa uu qaaday gaadhi ay wateen labada dumar ah oo walaalo ah kuwaas oo kasoo baxay magaalada Berbera una soo jeeday magaalada Hargeysa halkaas oo ay ku naf waayeen maantana aas qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa,waxaana dooxyadan ay sababaan khasaare badan marka ay marayaan biyuhu

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com