Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

DIB U SOO NOLEYNTA MUHIMADII BERBERI LAHAAN JIRTEY QARNIYO KA HOR “XILDHIBAAN KIJAANDHE

Magaalada Berbera markaan booqasho ku gaadho,waxaan hoos isku weydiin jirey xadaarada iyo gancasiga qarinyo ka hor ka jiri-jirey, ka dib, markaan arko fooqaqa dunsan iyo dhismayaasha meherada ahaan jirey ee dunsan ee suuqa camiran ee laga dukaansado ahaan jirey inta u baaxad leeka ganacsiga iyo xadaradaasi.
Waxa kale oo aan is weydiin jirey maxa sabab u ahaa iney dunto xadaaradaas ka jiri-jirey magaalada Berbera qarniyo ka hor?

Hadaba, su’aalahaas waxaa iga qanciyey oo ka jawaabey maqaal dhawaan ku soo baxey wargeyska la yidha “Gulfnews” ee ka soo baxa Abu Dhabi. Waxa qorey qof aan magaciisa sheegin lakiin ka tirsan jaamacada Abu dhabi. Cinwaankiisu waxa u ahaa sidan “Berbera Tariikhdeed ayaa sheegeysa Muhimada ay leedahey”.

xildhibaan kijaandhe

Hadaba, waxaan jecleystey inaad ila wadagtaan maqalkaas oo aan soo tarjumey oo aan soo koobey.
Waxa u ku bilaabey Gulfnews sidan; “Heshiiska dhawaan dhex-marey xukuumada Somaliland iyo shirkada DP world waxa u dib u soo noleynaya ganacsigii ka jiri jirey Berbera, waxaanu si mug leh u balaadhinaya dhaqaalaha geeska Afrika.
Hadaba, Heshiiskan aynu diirada saaro sida arintani u kobcin doonto dhaqaalaha gobolkan.
(Dib soo nooleyntii Berbera oo soo socota)(Revival of Berbera underway); xigashada Gulfnews “macnaha guud ee tariikhiga ah ee Somaliland ayaa cadeyn u ah muhimada dekeda Berbera leedahey, Somaliland tariikhdeeda so jireenka ah ayaa ka marag ah in Berberi xudun u aheyd shebedkad gancasi oo casri ah qarniyo badan.
Tariikhdii giriigta ee qarniyo hore ayaa waxa ay cadeyeen Berberi iney tahey dekedii ugu badneyd ee ay isticmaali jireen wakhtigaas oo loo yaqaaney (Dekeda Malao)  taas oo lagu muujiyey qarnigii kowaad ee ciise dhimashadii sii(first century AD) qoraalo ay sameyeen Badmaaxyo Giriig ah oo iskaga gooshi jirey Badaha Erythraean oo hadda loo yaqaano Gacankaga Cadmeeda (Gulf of Aden). Erythraean Sea, waxa ay ka koobneyd oo loo yaqaaney Red sea, Gulf of Aden, Arabian Sea.
Nin Giriig ah oo ganacsade ah  oo aan magaciisa la sheegin ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey jidka markiibtu marto iyo noocyada badeecada ganacsi ee halkaa u kala gooshta Afrika, Aasiya iyo Urub.
Qarniyadii danbe sahmiyaal shiine ah oo ka socodey Boqortooyadii loo yaqaaney TANG. Waxey qoraal ku muujiyeen muhimada ay Berberi leedahey iyo dadkii ehelka u ahaa ee degenaa.
Hadaba, Qarnigii 19aad sahamiyahii caanka ahaa ee ingiriiska ahaa ee la odhan jirey Richard Berton ayaa maqaal dheer kaga bixiyey muhimada ay Berberi u yeelan karto ingiriiska, buugiisa la odhan jirey “First Foot steps in East Africa” “raadkii u horeeyey ee Bariga afrika” waxa u ku dheraadey sababta Berberi muhimka  u tahey, waxaanu  ingiriiska kula taliyey inuu  qabsado Berbera sababahan soo socoda awgeed;
-Berbera waa furaha runta ah ee bada cas.
-Goobta beriberi ku taala ayaa ah marin biyoodka gadiidka bada case iyo bariga afrika.
-Waa meesha qudha ee amaanka iyo nabada ah ee ehelka u ah markiibta marta galbeedka bada Erythraean sea ila Raas Gardafu.

Sanado ka dib Gashaanle sare oo ah sarkaal ingiriis ah oo magaciisu ahaa “lietunent C J Cruttenden” ayaa siyaabo kala gedisan sharaxaad uga bixiyey carwo gancasi oo Berbera lagu qaban jirey sannad walba. Carwadaa ganacsi waxay socotay qarniyo dhawr ah, waxa la bilaabi jirey Bisha Noofambar ilaa April sanad kasta, sidaas waxa qorey C J Cruttenden xusuus qorkiisii   la odhan jirey, ‘“Memoir on the Western or Edoor Tribes, inhabiting the Somali coast  of East Africa” ama
“xusuus qorkii Galbeedka ama beelaha Iidoorka ee degen xeebta Somalilyeed ee Bariga Afrika.

Waxa u qoralkiisa ku muujiyey kala duwanaanta ganacsatada ka soo kala jeeday qoomiyado kala duwan. Carwadaasi waxay ahayd mid aad u xiiso badan oo soo jiidata qoomiyado farabadan oo kala iman jirtey dhul aad u kala fog. Muddo gaaban ka dib marka la kala daneysto ayey qoomiyad kasta ku noqon jirtey degankeeda.
Marka carwada Berbere mareyso halka ugu sareysa, Berberi waxay noqon jirtey “BABEL” oo macnaheedu yahey buhaanka iyo sawaxanka ka dhasha afafka lagu hadlayo ee ka jaadka ah.

Waxa u yidhi, doonyaha Yementa ayaa keeni jirey qalab farshaxmeed oo yar-yar ayaga oo raadinaya cid ka iibsata inta aaney iman doonayaha ka imanaya Khaliijka oo la filayey iney yimadaan saddex usbuuc ka dib oo ka alaab fiicnaan jirey Waxa ay ka iman jireen khaliijka kale sida; (Musqad, Sur, Raas al kheyma, Bagalas ka yimaada Bahrain,Bussorah iyo Graen).

Ugu danbeyn, waxa ka soo qeyb-geli jirey ayuu yidhi “ganacsato buurburan oo maal-qabeeno ah oo Somaliladu u taqaanay Baniyaal oo ka soo jeeda Bombay.

Marka laga reebo sumcada ingiriiska, Berbera mar welba boqcada ay Berberi ku taal muhimad ayey aheyd Juquraafi ahaan. Waxa taas cadeyn u ah sida ay xoogagii dunidu u daneyn jireen,sida; Boqortooyadii cusmaaniitii  (Ottman empire), Masar ka dib markii la furey marinka Suweys Boqortooyada ingiriiska iyo talyaaniga qarnigii labatanaad (20aad) horantiisa. Intaas waxa ku xigey Midawgii Soofeytiga oo sii balaadhiyey Dekeda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera. Taasina waxey kordhisey muhimada Juquraafiyadeed ee Berberi leedahey. Intii  Midawgii Soofeytiga gacanta ku hayey Berbera waa wakhtigii loo yaqaaney dagalkii qabooba.
Wakhigii 1980kii dawlada Mareykanka ayaa maamulkii Somalia ka jirey heshiis kiro ah la gashey si ay ha’yada NASA dayax-gacmeedkeedu u soo fadhiisto hadii ay ku timaado xaalad dedeg ahi (emergency landing).

Haddaba, tariikhadan layaabka leh ayaa xoojineysa in juquraafi ahaan iyo istaratajiyad ahaanta Berbera iyo degaanka ay ku taala iney boqcad muhiim ah tahey oo ah marin badeed wax loo dhiga aanu jirin.

Waxa u ku soo gunaanadey wargeysku qoralkiisi, waxaan ilaahey uga baryeynaa in mar labaad Berberi gaadho sidii ay ahaan jirtey qarniyo ka hor iyo meel ka sii sareysa si albaab laga galo (Gateway) ugu Noqoto Bari Afrika si ay Somaliland bash-bash iyo barwaaqo u gaadho. In kaste oo ay muddo dheer bulshada caalamku  cadaadis ku hayeen.

In kaste oo maqaalkani aanu ka jawaabeyn wixii sabata u ahaa in Berbera laga haajiro oo xadaaradaas iyo gancasiga dumaan, lakiin waxa markhti madoon ah in talo-xumo iyo colaado sokeeyo oo ka dhacey ay keeneen in laga qaxo oo ay sameysanto oo Jabuuti sameysanto.

Waxa hadaba markhaati madoon ah arimaha Berbera ee DP world iyo saldhigu waxay tahey  fursad dahabi ah oo u baahan in dhabada loo xaadho lana soo dhaweeyo.

Waa suurtagal sida loo soo maamuley inaaney kuligeen wadad raali-gelin oo saluug jiro, waxaan odhan lahaa sawirka guud iyo muhimada weyn ee arimahani leeyahiin ha la eego. Waayo, waxaan rumeysnahey inaanu jirin wax wada sax ah ama kuligii wadada wanaagsan oo mar qudha dhasha ma jiro. Waxaan ku tallin lahaa si miyir qabta aynu wixii khalad ah u saxano oo yenaan cadawga isu soo raacin. Siyaasiin iyo odayaal waaweyn ayaa waxa ay yidhahdaan dawladaha jaarku ma ogol DP world iyo Saldhiga ama ha la soo weydiiyo, aad iyo aad ayaan ula yaaba kuwaas siyaasiga iyo mutaclimka sheeganaya ee sidaas leh. Waayo, dawlada jaarka ah tartan dhaqaale ayaa ay kuwada jiraan ee walaalayaal cidna weydiin maayo,innaga ayaa ka tallineyna.

Waxaan aad iyo aad uga naxey mudaharaadyada laga abaabuley dalka ingiirska safraada imaaradka horteeda. Arintaasi maaha dhaqankii reer Somaliland cid kale oo cadaw inoo ah ayaa ka danbeeysey.

Waxaan ku soo gunaanadaya carbtu waxey tidha “A tacaamul hiya Tacaaruf” in lagula macaamila waxay la mid tahey ayada oo la aqoonsadey.

Waxaa isku soo dubaridey tarjumaada maqaalkan Xildhibaan Axmad Abdi Kijandhe,waxaan ka qeybqaatey Ahmed Ibrahim Juuqdhawr iyo Ismaciil Faarax Qadhuus, waan u mahadcelinaya gacansiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com