Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

War Deg Deg Ah:-Roob Khasaare Gaystay Oo Ka Da’ay Magaalada Burco Iyo Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Uu Sababay

Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer soona gaadhaya Xafiiska shabakada wararka maantasomaliland ayaa waxay sheegayaan in roob dabaylo wata uu ka da’ay gudaha magaalada Burco iyo hareeraheeda.

Roobkan oo watay dabaylo iyo calaydh xoogan ayaa waxay uu sababay sida ay xoguhu maanta somaliland u sheegayaan khasaare iskugu jira dhimasho,dhaawac iyo waliba mid hantiyeed.

Waxaana wararku noo sheegeen in roobkani uu sababay dhimashada Hal qof iyo dhaawaca qof kale iyo waliba dumista guryo iyo maherado ganacsi.waxaana wararku intaa ku darayaan in Gidaarka garoonka uu ku dhacay Danab ka dhashay roobka,taas oo haleelay guryahan iyo maheradahan ganacsi.

Labadan qof ee midna dhintay midna dhaawaca yahay ayaa waxa naloo sheegay in uu kusoo dumay gidaarka garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Burco “ALAMZY Studium” gaar ahaana dhinaca Koonfur Galbeed ee garoonka,waxaana gidaarkaa soo dumay uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca hal kale oo ku sugnaa gudaha Guri iyo Meherad ganacsi oo ku dhagsan Garoonka.

Dhaawaca iyo maydkan labadan qof ee gidaarku kusoo dumay ayaa naloo sheegay in ay yaalaan cusbitaalka magaalada Burco.

Gabagabadiina wakhtiyada oo kale marka ay Roobabka Gu;ga iyo Dayrtu ay bilaabmaan ayaa waxay sababaan khasaare kala duwan oo iskugu jira mid dad iyo duunyaba.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com