Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidamada Booliska Iyo Milateriga Ee Ku Sugan Laascaanood Oo Dad Kale Kasoo Qabqabtay Deegaanada Koonfurta Gobolka Sool+Tiradooda Iyo Sababta

Wararka saaka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Booliska Somaliland oo kaashanaya ciidamada Qaranka Somaliland ay hawl gallo ay ka bilaabeen deegaanada ay colaada Sokeeye ka taagan tahay ee Koonfurta gobolka Sool ay kasoo qabqabteen dad kale kuwaas oo siyaabo kala duwan loo soo qabtay.

Dadkan ay ciidamadu qabqabteen ilaa shalay ilaa xalay sida wararku nagu soo gaadhayaan ayaa waxay tiradoodu dhan tahay 4 qof kuwaas oo ciidamadu uga shakiyeen inay wadaan Khalkhal galinta nabada labada Beelood laga dhex dhalinayo iyo dib u hurida colaada Sokeeye ee hadda nabadaynteeda lagu guda jiro,sidoo kalena ciidamadan ayaa mid kamid ah dadkaasi usoo qabtay xaaladd amni.

Ciidamada qaranka Somaliland iyo ciidamada Booliska gobolka Sool ayaa iyagu sida naloo sheegay gabi ahaanba la wareegay amaanka deegaanada Koonfurta gobolka Sool ee colaada riiqda dheeraatay ka taagan tahay,waxaana sidoo kalena ay xukuumadda Somaliland iyo ciidamadu ay u xidh-xidheen dhawaaan madax-dhaqameed iyo odayaal tiro badan kuwaas oo loo xidhay siyaabo kala duwan.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa hadda ah mid dagan,waxaana ku sugan Laascaanood oo hawlaha nabadaynta labadan Beelood u jooga wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,madax-dhaqameed iyo odayaal kasoo kala kicintimay gobolada Togdheer,Sanaag iyo Buuhoodle,sidoo kalena waxa iyaguna maalmaha soo socda magaalada Laascaanood gaadhaya wafuud madax-dhaqameed ah oo ka kala socda dhamaan gobolada Somaliland,kuwaas oo ujeedada socdaalkoodu uu iskugu biyo shubanayaa sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen nabadaynta labadaasi Beelood ee Oodwadaagta ku ah deegaanada Koonfurta gobolka Sool.

Gabagabadiina labadan Beelood ayaa muddo dheer ku dirirayey deegaanada Koonfurta gobolka Sool oo ay Oodwadaag ku yihiin labadan Beelood,waxaana dadaal xoogan ay xukuumadda Somaliland,madax-dhaqameedka iyo Culimo awdiinku ay ugu jiraan sidii ay nabad waarta uga dhex dhalin lahaayeen labadan Beelood ee walaalaha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com