Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo Oo Salaadii Ciidal Fidriga Ku Tukaday Abu-dubai Kulanna La Qaatay Jaaliyadda Somaliland Ee Imaaraadka (Sawiro).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ku sugan imaaraadka Carabta ayaa salaadii ciidal fidriga ka dib Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan imaaraadka ku qaabiley Hotel ka uu ka degan tahay Abu-Dubai Madaxweynubu.

Kulanka jaaliyadda uu madaxweynuhu la qaatay ayaa ahaa mid ay jaaliyadu nasiib u heshay inay la ciido madaxweynaha qarankooda oo kula sugan dalka imaaraadka, waxaana halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo jaaliyadda uga mahadnaqay sida qiimaha badan ee ay u barbar taagan yihiin horumarka dalka ka socda, gaar ahaan mashaariicaha kala duwan ee imaaraadku ka wado somaliland.

Sidoo kale waxa isna qayb ka ahaa kulankaasi safiirka imaaraadka carabta u qaabilsan Somailand, md Baashe Cawil Cumar oo isagu

ku suntan horumarka balaadhan ee ay somaliland ka samaysay waddamada carabta sida imaaraadka.Madaxweynaha oo maalmihii u danbeeyey ramadaan ku sugnaa Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda sarsare ee Imaaraadka Carabta, iyadoo la filayo inay ka wada hadlaan arrimaha mandaqada ka taagan wakhtigan oo ay Somaliland hore u cadaysay mawqifkeeda.

Madaxweynaha waxa ku wehelinayay kulankan wasiirka xanaanada xoolaha, safiirka UAE ee Somaliland, la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda, Safiirka Imaaraadka iyO Safiir Ku xigeenka UAE iyo saraakiil kala duwan oo ka mid ah Madaxtooyada JSL.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing
Image may contain: 3 people, people sitting and indoor
Image may contain: 3 people, people standing
Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: 3 people, people sitting and indoor
Image may contain: 1 person, standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoor
Image may contain: car
Image may contain: 3 people, people smiling, people standingImage may contain: 4 people, people smiling, people standing

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com