Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xulka Kubada Cagta Ee Sagaljet Oo Ku Guulaystay Koobka Kubada Cagta Ee Kooxaha Wajaale.

Tartan Ciyaareedkii u socdey Kooxha Kubada Cagta ee Demada Tog-Wajaale oo loo qabtey bishii Ramadaan ayaa kusoo dhamaadey Ciyaar xiisa badan oo ay Guusha koobkii loo dhigay Tartankaasi ku guuleysteen Kooxda Kubada Cagta ee ku ciyaarayay Magaca Shirkada Sagaljet  eek a dhisan Magaaladaasi.

Munaasibad lagu soo gabagabeeyay Tartankaasi oo ay ka qeyb galeen Maamulka Heer Gobol iyo heer Degmo Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdilaahi Cali(Cali-case),Gudoomiyaha Kulmiye ee Gabiley Axmed Shirwac, Gudoomiyaha Degmada Wajaale Xaashi Muxumed,Maamulaha Shirkada Daabacaada Sagal-jet ee Gabiley iyo Wajaale Cabdi Yuusuf Daahir iyo Marti sharaf kale ayaa lagu gudoonsiiyay Koobkii Guusha kooxdaasi ku ciyaaraysay Magaca Shirkada

Sagaljet ee Wajaale oo markii shanaad iyagu ku guuleystey in ay gacanta ku dhigaan Koobka loo dhigay Wareegii Tartanka Ciyaaraha ka socdey Wajaale bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

Maamulaha Shirkada Xayeysiiska iyo Daabacaada Sagal-jet ee Gobolka Gabiley Cabdi Yuusuf Daahir oo ugu horeyn halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay, in uu salaam uga sido Ciyaartoyga Guud ahaan iyo Bulshada Wajaale Maareeyaha Guud ee Shirkada Sagaljet Cabdi Yuusuf Aar waxaanu xusey in qabashada tartankani ka yimid isaga Maareeyaha Guud ee Sagaljet si ay u dhiiri galiyaan Shirkad ahaan dhalinyarada.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka Hadley Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gabiley Cali Case Gudoomiyaha Kulmiye ee Gabiley Shirwac iyo Gudoomiyaha Wajaale oo dhamaantood ku hambalyeeyay guusha tartankan Kooxda Sagaljet ee Togwajaale oo markii shanaad guushan isku hubsadey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com