Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Nuxurka Kulan Dhex Maray Guddida Dhismaha Waddada Balli-Gubadle Iyo Xubno Ka Tirsan Xukuumada Somaliland+Sawiro

Guddida dhismaha Balli-gubadle ayaa kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiinta ka soo jeeda gobolada Hawd Iyo Hargeysa.

Kulankan oo ka qabsoomay Hotel Caydiid ee magaalada Hargeysa ayey ujeedadiisu la xidhiidhay sidii deg deg loogu bilaabi dhismaha 5km oo xukuumada ugu tala gashay in lagu daro wadddada Balli-gubadle.

Guddida gacanta ku haysa dhismaha waddada Balli-gubadle ayaa masuuliyiinta xukuumada ka codsaday in la bilaabo 5km ee xukuumada hore u balan qaaday inay hir gelayso, waxaanay xubnaha guddida Wadddada Balli-gubadle isku raaceen in wakhti xaadirkan ay muhiim tahay fulinta balantii ay hore xukuumadu u qaaday.

<span< span=””>

 



style=”background-color:#00ffff;”>Masuuliyiinta ka socday xukuumada ee ka qayb galay kulankaasi ayaa kala ahaa.

1. Wasiirka Wasaarada Qorshanta Qaranka Maxamed Ibraahim Qabyo Tire

2. Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiis Ka Khadar Xaaji Yuusuf

3. Wasiir ku xigeenka Wasaarada hawlaha guud Liiban Yuusuf Cismaan

4. Agaasimaha guud ee Wasaarada technology yada C/kariim Foodyare

5. Agaasimaha Komishanka aydhiska Nasir ayjeex

6. Ku xigeenka Hay’ada Shaqaalaha Dawlada C/kariim Xaaji Cali

7. Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale)

Dhinaca kale xubno ka mid ah masuuliyiinta ka tirsan xukuumada oo iyaguna ka hadlay kulankan ayaa balan qaaday inay ka hawl gali doonaan sidii loo bilaabi lahaa dhismaha 5km ee xukuumada ku balan qaaday inay ku darto dhismaha waddada Balli-gubadle, waxaanay cadeeyeen in maalmaha soo socda la soo rari doono qalabkii lagu dhisayey waddada.

hadhiwanaag source

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com