Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

SOMALILAND OO SAMAYSANAYSA FURE ISGAADHSIINEED OO GAAR AH, KANA GUURAYSA KII KA DHEXEEYAY SOOMAALIYA

Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Mustafe Faarax Abraar, ayaa shaaciyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka guurayso furaha dal ku galka isgaadhsiinta ee Soomaaliya ee hore uga dhexeeyay wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaanu xusay in Somaliland fure cusub samaysanayso.

Waxa kaloo uu ka warbixiyay socdaal uu ku tagey waddanka Lubnaan, waxaanu sheegay inuu marti-qaad u fidiyay ra’iisul-wasaaraha dalkaasi si waddankiisu Somaliland ula yeesho iskaashi qoto-dheer.

Wasiir Abraat oo shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ka dib Wargayska Dawan wax ka waydiiyay socdaalka uu ku tegay dalka Lubnaan ujeedDadiisii iyo waxyaabihii u soo qabsoomay,waxaanu yidhi;. “Socdaalkaygu wuxuu ahaa mid shaqo oo aanu ku doonaynay in aanu shirkado waawayn iyo kambaniyo dalkaa ku sugan la kulano isla markaana aanu dalka u raadino shirkado caalami ah oo aanu heshiis kula galno sidii Somaliland ay u yeelan lahayd fure isgaadhsiineed oo u gaar ah. markii aan dalkaa tagay si wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyay, waxaanan la kulanay shirkado waawayn oo ay ka mid yihiin kambanigii dhisay Koosafo iyo kuwo badan oo kale waxaanan kulamo wada yeelanay madax sare oo dalkaas ah gaar ahaan wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta. socdaalkayguna wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee wefti Somaliland ka socdaa uu Lubnaan ku tago,waxaana innoo bilaabmaya xidhiidh dhow oo walaalnimo aad ayaanay u danaynayaan iskaashi aynu wadaagno waxaanan madaxdii wasaaradda Boosaha ee aanu kulanay ugu dhiibnay casuumad ay xukuumadda Somaliland u fidisay ra’iisul-wasaaraha Lubnaan oo aanu dalkeenna ku casuunay waxaanay balanqaadeen inay dhakhso jawaab uga soo bixin doonaan martiqaadkaas.

Weftiyo kalena waynu is dhaafsanaynaa shirkadihii aanu la kulanaynay, waynu kala dooranaynaa si dalku uga xoroobo furaha isgaadhsiinta Soomaaliya oo aynu mid gaar ah u yeelano waana waxqabadka Madaxweynaha qaranka Somaliland Axmed Siilaanyo.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay siduu u arko xeerka Madaxweynaha Soomaaliya saxeexay ee is-gaadhsiinta iyo in uu wax saamayn ah ku yeelan karo Somaliland, waxaannu yidhi; “Horta Somaliland waa dal ka madax-bannaan Soomaaliya oo waa qaran xeerarkiisa leh. xeerka Is-gaadhsiinta Somaliland waxaa uu Madaxweynaha Somaliland saxeexay oo uu dhaqan galiyay 2011-kii kaas ayaanay wasaaradaydu ku shaqaysaa oo lagaga dhaqmaa Somaliland. xeerka uu Madaxweynaha Soomaaliya saxeexayna waa mid u gaar ah Soomaaliya laakiin waxa keliya ee aynu la wadaagaynay dhanka is-gaadhsiinta waa furaha is-gaadhsiinta dalka ee la yidhaahdo Country cod,kaana deg deg ayaynu uga guuraynaa oo waa sababta aan safarka ugu tegay dalka Lubnaan,midda kale ninka Gaalkacayo labada dawladood u kala yaqaana ee Xamar lagu waardiyeeyo sheegashadiisa Somaliland waa riyo wax xeer ah oo innaga dhexeeyaana ma jiro.”

Wasiirka oo ka hadlayay war wasaaraddiisa laga qoray oo uu sheegay in uu been abuur yahay; “Wargayska Somalilandtoday warkaa uu wasaaraddayda ka qoray waa been abuur cad waxaanan ka doonaynaa in uu soo caddeeyo xeer illaalinta iyo ururka Suxufiyiinta ee Solja dacwad ayaan u gudbiyay shaqaale bilaa mushahar ah oo lacagtoodii la lunsadayna ma jiro gaadiid wasaaraddu leedahay oon si gaar ah u hayayna ma jiro shaqaalahana waad waraysan kartaan,”ayuu yidhi Wasiir Abraar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com