Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Digay In Tirada Wasiirrada Oo Koobnaadaa Ay Sababi Karto Mucaaradad Aanu Muuse Ka Dabaalan Karin

Madaxwayne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay sida uu u arko wadahadalka Somaliland iyo Somalia ee Muuse Biixi dib u bilaabayo, arrimo la xidhiidha dhisidda dawlad kooban iyo qodobo kale.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo haatan ka mid ah odayaasha Somaliland ayaa mar uu waraysi siinayay telefishanka HCTV waxa u walaac ka muujiyey in wax midho ahi ka soo baxaan wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, waxaana uu ku sababeeyey inaanu jirin madaxwayne iyo baarlamaanka haysta kalsoonida shacabka Somalia kaasoo ku dhiirran kara inuu wajaho xaqiiqda wadahadalka.

Waxa uu sidoo kale Axmed Yuusuf Yaasiin sheegay in farqiga u dhexeeya

nidaamnka doorasho ee Somaliland iyo Somalia ee ku dhisan hanaanka cod iyo qof oo Somaliland ah iyo hanaanka xulashada madaxwaynaha oo Somalia lagaga dhaqmaa uu saamayntiisa ku leeyahay wadahadalka, sidoo kale waxa uu walaac ka muujiyey saamaynta maamul goboleedyada tirada lihi ku yeelanayaan go’aan rasmi ah oo soo baxa

Geesta kale Oday Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka digay inuu Muuse Biixi dawladiisa aad u soo koobo waxaana uu ku sababeeyey inuu la kulmi doono mucaaradad adag haddii uu aad u koobo waxaase uu sheegay inuu soo dhiso dawlad kooban intii macquul ah isla markaana tayo leh, waxaana uu ku taliyey in tirada wasiirrada lagu dhaweeyo 30 wasiir, kuxigeen iyo wasiiru dawle

“Anigu nasteexo ayaan ka hadlayaa waxaan ka hadlayaa inuu wajiga koowaad ba la galo mucaaradad adag manaan badin haddii aan idhi haddii 70 ahaayeen oo boqolkiiba konton la soo dejiyo waana tallaabo weyn, marka waddanka la ictiraafo ha dhiso 15, 16 wasiir iyo wuxuu doonayo ha dhiso laakiin waxaan leeyahay wali waxaynu ku jirnaa maamul fidin, wali waxaanu ku jirnaa inaan dadkeena wacyi-gelino weli lama ictiraafin welina waxaynu ku jirnaa jaran-jaro, markaa anigu wax badan baan eegayaa tan aan sheegayna waa dawlad kooban oo yar marka aan idhi 19 wasiir,10 wasiir kuxigeen iyo laba wasiiru dawle waa dawlad yar oo Somaliland oo dhan koobsanaysa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com