Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

XOGHAYAHA FULLINTA DAWLADDA HOOSE OO XADHIGA KA JARAY MASHRUUCA KORONTADDA SOLLARKA OO LAGU XIDHAY JIDADKA DHEX-MARA CAASIMADDA HARGAYSA

Xoghayaha fullinta ee dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa, Cali Xasan Cawaale, ayaa Horumar balaadhan ka sameeyaya qaybaha kala duwan ee magaalada Hargaysa, iyaddoo uu muddooyinkii u danbeeyay ku hawlannaa Koronto lagu xidhaayay jidadka waa wayn Caasimadda.

Xoghayaha dawladda hoose ee magaalada Hargeisa, Cali Xasan Cawaale oo muddo ku siman ilaa Siddeed bilood Xilkaas hayay, ayaa muujiyay dedaal fara badan oo wax ku ool ah, isla markaanna waxa uu hirgeliyay Waxqabad balaadhan oo ay ugu horreeyaan Jidadka waa wayn Caasimadda Hargaysa dhexdeedda marra, kuwaasoo dib u dhis iyo casriyayn lagu sameeyay Waddooyinkaas. Sidoo kalenna, waxa uu Xoghayaha fullinta ee dawladda hoose ee

Caasimadda Hargeisa Cali Xasan Cawaale uu hir-geliyay Waddooyin cusub oo laga sameeyay Degmooyinka kala duwan ee magaalada Hargaysa.

Xoghayaha dawladda hoose magaalada Hargeisa Cali Xasan Cawaale waxa uu caawa kormeer ku tagay, isla markaanna uu Xadhiga ka jaray Koronto Soller ah oo lagu xidhaayay Wadada dheer ee ka timaadda Maddaarka Caasimadda Hargaysa ee Egal International Airport, iyaddoo ay Korontaddani ka qayb-qaadanayso bilicda qurxoon ee jidadka waa wayn Caasimadda Hargaysa.

Sidoo kalenna, waxa uu Laydhkan Sollerka ahi uu wax wayn ka tarayaa Amniga iyo isu socodka dadweynaha xilliyadda habbeenkii, waanna Wajigii koowaad ee Sollerta lagu xidhaayo Jidadka Caasimadda Hargeisa, waxaannu Xoghayaha fullinta ee dawladda hoose ee magaaladda Hargeisa uu sheegay inay sii waddi doonnaan Mashruucan Korontadda Sollerka ee lagu xidhaayo Waddooyinka Hargaysa oo dhan, waanna talaabbo sarre u qaaddaysa Horumarka iyo Bilicda Caasimadda Hargaysa ee Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com