Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

BAYLAHDA KA JIRTA GARSOORKA SOMALILAND iyo Daraasad ay samaysay shabakada wararka ee maantasomaliland oo la xidhiidha dhanka garsoorka

BAYLAHDA KA JIRTA GARSOORKA SOMALILAND
Daraasad ay samaysay shabakada wararka ee maantasomaliland oo la xidhiidha dhanka garsoorka ayaa waxay ka diyaarisay warxbixintan
Waxaynu warbaahinta dalka ka maqalnaa waxaa la xaliyay kiis sanadado badan soo taagnaa, iyo warar aad moodo iidheh ‘Advertisement’ oo lagu amaanayo maamulka Garsoorka Dalka.
Waxaa maragmadoon ah in bulshada Somaliland ay baahi wayn u qabto dhinaca garsoorka iyo cadaalada isla markaana ay u baahantahay waxqabad dhab ah iyo in laga kaafiyo loona hagarbaxo shaqada garsoorka.
hadaba Waxaa ka mamnuuca shaqada garsoorka inaad cidgaara necbaato iyo inaad cidgaara jeclaato bulshada aad u adeegayso, iyo inaad la timaado qaraabo kiil, iyo inaad dadka soo kala dhawaysato.
Hadaba waxaynu qoraalo xidhiidha maalmaha soo socda ku soo qaadan doonaa kuna lafa guri doonaa baylahda ku gadaaman garsoorka Somaliland ee ay indhaha ka qarsanayaan maamulka garsoorka Somaliland, waxa aanaynu ku salayndoona baahiyaha ka jira heer Qaran, heer Gobol iyo heer Dagmo, inagoo ugu horaysiin doona sida maamulka garsoorka Somaliland ka yeelay Maxkamadii Gobolka Hawd.
Waxa aanaynu ku lafa guri doonaa qodobo ay ka mid yihiin
1. Maxay kaga duwan tahay MAXKAMADA GOBOLKA HAWD maxkamadaha qayrkeeda sida kuwa ku yaala gobolada GABILAY, DAADMADHEED IYO CAYNABO?
2. Siduu ahaa xaalka MAXKAMADA GOBOLKA HAWD ka hor mudadii ay xilka hayeen maamulkan garsoorku?
3. Imisa garsoore ayaa jooga MAXKAMADA GOBOLKA HAWD? Sidoo kale imisa garsoore ayaa jooga goboladaa kale ee aynu soo sheegnay?
4. Maxay ku mutaysteen reer HAWD ficiladaa uga iyimi maamulka garsoorka dalka?
5. Maxay yeelaan bulshada gobolka HAWD marka ay lasoo gudboonaadaan baahiyo sharci?
6. Etc.

La Soco qaybta labaad

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com