Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo Oo Lagu Eedeeyay In Ay Saxeexday Heshiiskii Lagu Wareejiyay Maamulka Hawada

-Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka dabiicaga ee Golaha Wakiilada Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay saxeexday in hawada Somaliland lagu wareejiyo dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka dabiicaga ee Golaha Wakiilada Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka taagan, iyo qodobo uu sheegay in lagu xalin karo, waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlaya hawada uu yidhi “Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ayaa waxay saxeexday in Somaliya hawadeeda lagu wareejiyo, markaas ayaa la khiyaamayey oo gacanteena ayeynu kaga saarnay, waxan socda oo dhana waa khaladaad aynu hore u galnay, maalintii wada hadaladaas bilaa xadidaada ah aynu Somaliya la bilawnay, ayey wax badan inaga xumaadeen, Xukuumadda Siillaanyo intii aanay taladda dalka la wareegin, heerka aynu caalamka ka taagnayn, cid waliba wey garanaysaa, oo laba siyaasadood ayaa Somaliya inoo kala sameeysnaa, oo iskumaynu khaldanayn, imikana waxa muhiim ah in gabi ahaanb wada hadaladii Somaliya halkaas ku xidhno, haddii si toos ah wada hadalada Somaliya looga bixi waayo, waxaanu Golaha keenaynaa mooshin gabi ahaanba lagu baabinaayo, sababtoo ah wax alaale wax maanta gacanta inoogu jiraa ma jiraan, ilaa aynu la soo noqono halkii hore ee aynu taagnayn wax gorgortan ah oo aynu gali karnaa ma jirto, waxaana Madaxweynaha leeyahay Wadankan aakhiro ayaa lagaga soo hadhaye,waxa haboon inaad wada hadalada halkaas ku xidho”.
Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Daraasad ugu yaraan saddex bilooda ah ayeynu u baahan nahay, oo aynu ku ogaanayno maxaa keenay sicir bararka, oo waa imisa lacagta doolarka ee dalkeena ku wareegaa, maxaa inaga dhoofa, sicir bararka iyo arimaha dhaqaalaha laguma deg dego,oo khaladka mar dhaca, sixistiisu shan sanno ayey qaadataa, arintii lagu deg degay, ee la soo saaray khalad ayey ahayd, ee marka hore waa in daraasad rasmiya la helo, ta labaad waa in Bangiga dhexe, shaqadiisa dib loo xoojiyaa, ta saddexaad waa in la isku miisaamo lacagta aynu dibadda u dirano, iyo ta inaga ina soo gasha, ee lacagtaas dabada ayeynu u baahan nahay in la yareeyo, oo qorshe qaran la keeno, oo waxa is weydiin mudan maxaynu baajin karnaa, irbada ayaa dibada inooga timaada, oo lacag doolar ah ku timaada, waxaan muhiim ahayn in qaali laga dhigo waa lagama maarmaan, oo cashuur fara badan la saaro, lana yareeyo, qaadkan dadkeenii dawakhiyey in qaab dawladeed loo soo dajiyo, oo itoobiya heshiis lala galo ayaa muhiim ah, ee marka Itoobiya heshiis lala galo, oo xadiga qaadka, qiimaha uu inagu soo galayo, iyo inta ina soo galaysaba waa in la xadidaa, lagama arag Wadan uu qaadku iska soo galo, balse inaga dalkeena si is daba joog ah, oo bilaa xisaaba ayuu u soo gala”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com