Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

DAAWO; MAAYARKA CAASIMADA SOMALILAND OO DALKA JABUUTI KAGA GAYBGALAY SHIRKA MAAYARADDA WADAMADA ISLAAMKA.

Maayarka Caasimada Somaliland Ee Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Sotelco) ayaa dalka Jabuuti kaga qaybgalay shir caalamiya oo ay iskugu yimaadeen Maayarada Wadamada Islaamka ah.

maayarka soltelco

Shirkan oo ay kasoo Qaybgaleen Madaxda Dalka Jabuuti oo Uu Ugu Horeeyo Raysalwasaaraha Dalka jbuuti, Maayarka Caasimada Jabuuti iyo xubno kale ayaa socon doona laba cisho kaasi lagaga hadlayo sidii ay isku kaashan lahaayeen Maayarada Wadamada Islaamku, waxana sidoo kale lagu lafa guri doono Arimo door ah oo ku saabsan sidii loo Mataanayn lahaaa caasimado badan oo kamida kuwa Wadamada islaamka ahi.

soltelco

Maayarka Caasimada hargaysa ayaa waxa shirkan lagu gudoonsiiyay Shahaado sharaf Muhiim iyo hadiyad kale oo Qaali ah taasi oo uu Gudoonsiiyay Raysalwasaaraha dalka Jabuuti.

maayarka hargaysa 3

Maayar Cabdiraxmaan Soltelco Oo Arimahaasi ka hadlaya ayaa Wuxu yidhi “Ugu horayn Waxaan ku faraxsan nahay kasoo qaybgalka Shirkan Maayarada wadamada islaamka ah oo ay dalka jabuuti marti Galisay.

Dhanka kale maayarka casimada hargaysa ayaa dhambaal hambalyo ah udiray gudoomiyaha cusub ee Maayarada Wadamada Islaamka oo loo doortay Maayarka Caasimada Jabuuti” Anigoo ku hadlaya magaca jamhuuriyada Somaliland waxaan hambalyo udirayaa maayarka caasimada jabuuti ee loo doortay Gudoomiyaha Maayarada wadamada islaamka Oo Aan Leeyahay Xilkaa Culus ee lguu Doortay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com