Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Jabuuti Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Maxay Ka Wada Hadleen ?

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa, kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamada gaar gaarka ee Madaxda Afrika ay yeelanayaan, kaddib shir madaxeedka Midowga Afrika.

Kulanka labo geesoodka ee Madaxda Jabuuti iyo Itoobiya ayaa looga hadlay arrimaha gobolka iyo is bedeladii u dambeeyay ee ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka u sheegay wariyeyaasha in madaxda labada dal Jabuuti iyo Itoobiya ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo isdhexgalka gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa bogaadiyay isdhex-galka Geeska Afrika, waxayna si wadajir u ammaaneen go’aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea
“Ra’isal Wasaaraha Itooboya ayaa u sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan”, ayuu yidhi Workneh.

Jabuuti ayaa qeyb ka aheyn isbaheysiga saddex geesoodka ee ka dhex sameysmay dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya, waxaana weli Jabuuti dhowreysa sidii loo sii wadi lahaa dadaalada lagu dhex dhexaadinayo iyaga iyo Eritrea.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com