Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkadda Dahabshiil Group Oo Abaal-Mariyey Guulaystayaashii Tartankii Hal Abuurka Ganacsiga

Toddobaadka Caalamiga ah ee hal Abuurka ganacsiga iyo doorka shirkadaha dalka. Dahabshiil Group ayaa si ballaadhan uga qaybqaadatay toddobaadka caalamiga ah ee hal-abuurka ganacsiga oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Hargeysa. Toddobaadkan oo ay soo qabanqaabiyeen Hay’adda Shaqodoon, ayaa intii uu socday waxaa ka qaybgalay dhallinyaro leh halabuur ganacsiyo kala duwan, kuwaas oo ku tartamay fikirkooda ganacsi halkaas oo ay ku guuleysteen qaar badan oo ka mid ahi.

Shirkadda Dahabshiil Group oo in ta badan looga bartay inay qayb laxaad leh ka qaataan arrimaha horumarinta bulshada “CSR Activities” iyo dhiirigelinta dhallinayrada iyo sidoo kale kobcinta fursadaha shaqo-abuur ee dalka, ayaa qaybtooda ay kaalin weyn ka qaateen toddobaadkan hal-abuurka ganacsiga. Shirkada Dahabshiil Group ee kala ah Dahabshil Bank, Dahabshiil Xawaala, SOMTEL, Edahab iyo sidoo kale adeegga kobcinta dhaqaalaha ee MicroFinance, kuwaas oo dhammaantood qayb ka ahaa shirkan ay Shaqodoon soo abaabushay.

Toddobaadka caalamiga ah ee hal-abuurka ganacsiga oo meel kala duwan oo 170 dal oo aduunka lagu qabtay ayey Hargeysa ku noqonaysaa 171 munaasibadan oo ka dhacday xarunta hayada Shaqodoon ee HarHub iyo Maansoor Hotel ee Hargeysa oo ay shirkada Dahabshiil qayb weyn ka ahayd, waxa masuuliyiintii ka hadlay ka mid ahaa Maxamed Xasan, Agaasimaha guud ee Hay’adda Shaqodoon ayaa Dahabshiil uga mahadnaqay kaalinta ay ku lahaayeen qabsoonmida tartanka hal-abuurka ganacsiga iyo maalgalinta ay bixiyeen, “Waxaannu uga mahadcelinaynaa Shirkadaha Dahashiil Group, gaar ahaa Bangiga Dahabshil bank oo si aad ah mar kasta wax uga taray mashruucyada dhalinta lagu maalgalinayo, waxaanay sidoo kale si fiican uga qayb qaateen hawshan intii aannu soo wadnay ee todobaadka ahayd ilaa dhamaadkeedii” ayuu yidhi Maxamed Xasan.

Madaxa mashaariicda ee Hay’adda Shaqodoon Cabdiqani Diiriye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay faa’iidada mashruucan iyo taageerada maalgalineed ee Dahabshil bank, “Runtii guud ahaan shirkadda Dahabshiil Group waxaanu ku bogaadinaynaa sida ay markastaba u garab-taagan tahay bulshada, sida arrimaha dhalinyarada iyo wadashaqeynta iyo taageerada ay na siiyaan ka Shaqodoon ahaan” ayuu yidhi Cabdiqani.

Geesta kale, Agaasimaha guud ee Baanka Dahabshiil (Dahabshiil Bank CEO) Mudane Cumar Sheekh oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda mashruucan, isagoo tilmaamay sida ay diyaar u yihiin Dahabshil bank ahaan ka qaybgalka arrimaha bulshada danta u ah oo uu sheegay inay goob kasta iyo goor kasta oo ay tahay, ay kaalin ka geystaan. Cumar Sheekh waxa uu dhallinyaradii iyo martidii halkaa ku sugnayd u jeediyay hadalo meel mara oo isugu jiray dhiirigelin iyo dardaaran, balan qaadyo, waxaanu ballanqaaday inay sii wadayaan taageerada wax kasta oo bulshada horumarkeeda qayb ka ah. “Shirkadda Dahabshiil sidaad horeba ugu taqaanneen, waxay kaalin mug leh iyo taageero maalgelineedba ay ku lahayd mashruucan iyo qabsoomiddiisa.” Ayuu yidhi Cumar.

Mudane Cumar Sheekh Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay dhalinyarada dunida hormartay waxyaabaha ay ku hormareen inay ka mid yihiin kaalinta shirkadaha ganacsiga ee waaweyni ka qaataan maagelinta bulshada iyo taageeridda dhallinyarada, sidaa awgeed in badan oo ka mid ah bulshada inay gacan weyn ka helaan shirkaddan Dahabshiil, si ay u samaystaan ganacsiyadooda kala duwan, kuwaas oo si toos ah iyo si dadbanba Dahasbhiil uga helay dhaqaale iyo maalgalin. “Shirkadda Dahabshiil oo ka kooban qaybo kala duwan, sida aad la socotaan waxay markasta ka qayb qaataan kobcinta iyo dhiirigelinta dhaqaalaha dalka.” Ayuu yidhi Cumar Sheekh, waxaanu intaa raaciyay, “Sidaa daarteed, waxaanu diyaar u nahay marwalba inaan hore ugu sii socono oo aannu isbarbar taagno maalgelinta dhallinyarada wadanka gudihiisa ku sugan. Waxaanu halkan kaga dhawaaqayaa in uu bangiga Dahabshil maalgalin doono laba ganacsi oo ka mid ah tartamayaasha dhallinyarada ahaa ee maanta halkan ku soo bandhigaya fikirkooda ganacsi. Waxaannu siin doonaa guulaystayaasha maalgalin bilaash ah oo dhan $6000 “Lix Kun oo Doolarka Maraykanka”. Intaasi ka dib ayaa martidii kulankaasi ku sugnayd iyo tartamayaashii ba ay sacab iyo farxad kaga jawaabeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com