Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Bbc Sports Oo Warbixin Ka Diyaarisay Ciyaaraha Somaliland

Warbaahinta BBC Sports ayaa diyaarisay warbixin qiimo badan oo si dhab ah u taabanaysa nolosha shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, taariikhdeeda illaa Midowgii Somaliya, xornimadii ay lasoo noqotay, sida aanay dunida uga helin caawimo caalami ah, caqabadaha hor yaalla iyo heerka ay ka marayso ciyaaraha.

Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland oo aan haysanin aqoonsi ay la dhibaatoonayso duruufo nololeed oo sababay in 11-kii carruur ahba uu mid ka mid ah u geeriyoodo duruufta adag ee jirta, isla markaana dadku noolaadaan qiyaastii 50 sannadood, balse ay dhinaca kale jiraan horumar iftiimaya oo ay ka samaysay amniga iyo maal-gashiga caalamiga ah.

Warbixintu waxay dul istaagtay in ciyaaraha kubadda cagta Jamhuuriyadda Somaliland ay heere ka baxsan qiimaynta caadiga ah marayaan, da’yartuna ay ku ciyaaraan dariiqyada dhexdooda iyagoo kubbad ka dhiganaya caagaha shiraabka/biyaha iyo sharaabaaddo loo ekaysiiyey kubbad, hase yeeshee dhinaca kale ay jiraan dhallinyaro qurba-joog ah oo dalka kusoo laabtay oo hirgeliyey kulliyado lagu tababaro da’yarta, kuwaas oo deeqo aan la magacaabi karin sannadkii hore ka helay kooxda West Brom ee ka dhisan dalka Ingiriiska.

Shabakadaha ciyaaraha cadalool.com & cadalool.net ayaa waxay halkan idiinku soo gudbinayaan warbixinta oo Afsoomaali aanu u turjunay, ayaa waxay u dhignayd sidan:

“Si la mid ah caruurta kale ee kubadda cagta xiisaysa, ayay ugu ciyaaraan dariiqyada Hargeysa iyaga oo ku riyoonaya inay maalin meteli doonaan waddankooda, dhibaataduse waxa weeye in waddankooda oo ugu yaraan aan rasmi ahaan u jirin (la aqoonsanayn).

Somaliland waxay leedahay wax kasta oo laga fisho dal. Dadkeedu waxay haystaan baasaboor iyo lacagta shilinka Somaliland, waxaanu calankoodu ka dul-babanayaa xarunta baarlamaanka. Madaxweynaha si dumuquraadi ah, mutuxan oo nabdoon ayaa lagu soo doortay.

Waxa aanay haysanin waa koox kubadda cagta oo haysata aqoonsiga caalamiga ah ee FIFA amaba la siiyo mid la micno ah. Si kastaba ha ahaatee, waxa hadda doonaya inay taas beddelaan afar qof oo u dhashay Somaliland oo ka tegay Britain.

Bishii February, Ahmed Ali iyo Mohammed Saeed oo 26 jiro ah kana tegay magaalada Birmingham ayaa ku biiray Abdisalam Ahmed oo 22 jir ah iyo Hussein Adan oo 26 sano jir ah oo uga tegay London si ay dalkooda hooyo uga yagleelaan Kulliyadda Kubadda cagta Somaliland.

“Waxa aanu ka fikiraynaa in qof walba oo da’yar uu helo fursad uu ku icyaaro kubadda cagta.” Sidaas waxa BBC Sports u sheegay Ali, oo shaqo tababarenimo kasoo qabtay kooxaha West Bromwich Albion iyo Cardiff City, haddana ah madaxa tababaraha xarunta kubadda cagta lagu baro da’yarta Somaliland.

“Waddamada qaarkood, waxa hore usii jiray hannaan la raaco oo sii dhisnaa laakiin caqabadda halkan taalaa waa wax walba seeska laga bilaabayo. Waxa na xiise galiyey inaanu seeska kasoo bilownay koox kubadda cagta ah oo maalin maalmaha ka mid ah noqon doonta xulka qaranka.” ayuu ku daray Ali.

Afartan wiil ayaa yimid iyagoo haysta khibrad tababarenimo laakiin waxay u yimaaddeen meel aanay jirin adeegyo, lacag iyo ciyaartooyo midna aanay jirin. Sida aanay uga mid ahayn Fifa, ayaanay Somalkiland dawladdeedu u helin deeqo caalami ah, sida la fahmi karana waxay leedahay meelo kale oo ay mudnaanta siiso.

“Afartayada ayaa u tagtay wasaaradda ciyaaraha, waxaananu ku nidhi ‘bilaash ayaanu ku shaqaynaynaa. Waxa aanu qabanaynaa horumarinta da’yarta iyo waxaananu siinaynaa duruus waxbarasho.” ayuu mar kale yidhi Ali oo u mahad-celiyey Ahmed Adare oo ahaa wasiirkii hore ee caddaaladda iyo dad kale oo ka caawiyey furidda kuliyadda.

“Waxay nagu yidhaahdeen, ku dhaqaaqa, waananu ogaanaynaa inaanu wax idinku caawin karno inkasta oo aanay lacag noqonaynin.” ayuu raaciyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com