Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maxaa Sababay In Siyaasiyiinta Somaliland Ka Hadlaan Marxaladda Siyaasadeed ee Somaliya, Kana Muquurtaan Ta Somaliland ?

siyaasiyiinta somaliland ayaa wakhtiyadan dambe la soo baxay inay ka hadlaan siyaasadda iyo arrimaha dawladda somaliya xilli ay hadal dhaaftay islamarkaana ay khadka ka baxsantahay siyaasadda somaliland oo loo baahnaa inay ka hadlaan

arintan ayaa noqonaysa tiisaba daryeelaa tu kalena ku dara waana sida ay iska noqdeen siyaasiyiinta somaliland oo ka muquurta ka hadalka marxaladda adag ee siyaasadda somaliland marayso iyagoo indhaha ka qarsanaya xaqiiqda siyaasadda somaliland islamarkaana isku qaadaya arrimaha dawladda somaliya oo aanay waxba uga cabin

si kasaba ha ahaatee somaliland ayaa ku jirta marxalad adag oo siyaasadeed islamarkaana aan haysan madaxwayne samata bixiya waxaana mugdi wayni ku gadaaman yahay halka ay wajahayso dawladnimadda somaliland oo awoodeedii sii wiiqmayso albaabaddana looga laabay guddo iyo dibadba

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com