Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliye qaybeedka Bariga Hargaysa Waxa uu Muujiyay Hawlkarnimo, Waxaannu Mudan Yahay Ku Dayasho

Taliyaha qaybta barriga Hargaysa Gaashaanle Sarre Cabdi Xasan Mirre ayaa guul u soo hooyay Ciiddanka Booliska Somaliland, kadib markii uu taliye qaybeedka bariga Hargaysa sameeyay laba dhacdo oo sarre u qaadday dedaalada ay Ciiddanka Boolisku kula jiraan ka hortaga waxyaabaha xun-xun ee aan u wanaagsanayn arrimaha Nabadgelyadda.

Taliye qaybeedka gobolka Marooddijeex Gaashaanle sarre Cabdi Xasan Mirre waxa uu dedaal dheer oo hawlkarnimo leh u galay isagoo kaashannaaya Ciiddankiisa Booliska Somaliland waxa uu gacanta ku soo dhigay Maandooriyaha loo yaqaanno Xashiishadda oo gaadhi yar iyo dhalinyaro la wareegayso suuqyadda Hargaysa, talaabaddaas oo ah waxyaabaha saxda ah ee loo baahan yahay inay Ciiddanka jamhuuriyadda Somaliland cidhib tirraan oo ka hortagaan, waxaannu hawl-galkani uu dhammaan-ba guul

u yahay Ciidanka Booliska Somaliland.

Maandooriyahan Xashiishadda ee uu gacanta ku soo dhigay Gaashaanle Sarre Cabdi Xasan Mire ayaa lagu sheegay Sagaal Kiilloo, waxaanna la qabtay gaadhigii iyo Ninkii waday oo Sharciga la hor gayn doonno, waxaanna habboon in shaqadda wanaagsan ee uu qabtay lagu abaalmariyo …

Gaashaanle Sarre Cabdi Xasan Mirre waxa kale oo uu ku guulaystay innuu is afgarad wanaagsan la gaadhay dhalinyaro habeenkii dadka dhibaatayn jirey iyagunna is weerari jirey, kuwaasoo aakhirkii taliyaha qaybta Booliska bariga Hargaysa ku Wareejiyay qalabkii iyo waxyaabihii kale ee ay dagaalka u isticmaali jireen, waxaannay taliyaha qaybta bariga Hargaysa Gaashaanle Sarre Cabdi Xasan Mirre u balanqaaddeen inay iska dhaafayaan shaqooyinkii foosha xummaa ee Amni-daradda ahaa.

Si kastaba ha ahaatee guulaha uu soo hooyay Taliyaha qaybta bariga Hargaysa Gaashaanle Sarre Cabdi Xasan Mire waa kuwo sharaf iyo guul u ah guud ahaan Ciiddanka Booliska Somaliland,iyaddoo uu ku hoggaaminnaayo Taliyaha guud ee Ciiddanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxaanna dedaalada iyo hawlkarnimada taliyaha guud ee Ciiddanka Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan oo habeen iyo maalin u taaggan sidii ay Ciiddanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland u gudan lahaayeen Waajibaadkoodda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com