Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

HUB KADHIGIS LAGU SAMEEYEY DHALINYARADA XAAFADA MAXAMED MOOGE OO TARTAN KUBADA CAGTA AH LOO FURAY+DHACDOOYINKA KU DUUGAN.

Degmada maxamed mooge ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa lagu soo bandhigay arin ku cusbayd guud ahaan Somaliland taasi oo tartan kubada cagta loo qabtay dhalinyaro markii hore ahayd kuwa habeenkii dadka jidadka ugala balse xiligan lagu sameeyay hubka dhigis waaana maalintii jimcihii garoon katirsan kuwa xaafada magaalada tartan noociisu ku cusub yahay dalka.

Tartankan oo ay soo agaasimeen ciidamada amaanka iyo wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha, waxaana tartankan soo qaban-qaabiyey islamarkaana maal-galiyey ganacsatada ilma Shabeel oo kamid ah ganacsatada magaalada Hargeysa. Dhalinyarada tartankan loo qabtay ayaa hore u ahaa kuwo habeenkii dadka baadha balse waxay garteen inay u digo rogtaan xirfada kubadda cagta islamarkaana kaqayb noqdaan xirfad layaaasha kubadda cagta sida ay cadeeyeen ciidamada amaanku. Waxa goobta tartanku ka socday kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo uu horkacayo wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane boos mire maxamed, Agaasimaha guud ee wasaaradaasi, Badhasaab ku xigeenka gobolka M/jeex Iyo ganacsatada ilma shabeel oo maal-galiyey tartankan.

Waxa goobta tartankani ka dhacayey lagu soo bandhigay faashash iyo hub kala duwan oo dhalinyaradin soo xereeyeen. Axmed Maxamuud shabeel oo kamid ah shirkada hawshan abaabushay ayaa kawaramay siday ku qaadatay iyo dedaalka ay geliyeen hubka dhigista dhalinyaradanni, waxaanu yidhi: “alaabtan horteena taala waa alaabtii laysku baadhan jiray, laysku dili jiray, waa alaabtii khalkhalka ku haysay amaanka iyo nabad galyada, waan ognahay dhalinyarada hadii la is yidhaahdo xoog halgu muquuniyo way adagtahay in laga dhigo hubka, balse hadii maskaxdooda la maalo oo barmaamijkii hore kan loogu bedelo iyaga ayaa si iskood ah hub iskaga soo dhigaya, waxaanu samaynay hawshaa aad arkayso anagoo la kaashanayna gudida nabadgelyada xaafada iyo cuqaasha iyo haweenka xaafada, runtii hawl badan ayaa naga gashay hubka dhigistan”.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo goobtaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay ganacsatada ilma shabeel, waxaanu dhanka kale sheegay in siyaasada madaxwayanaha Jsl Mudane Muuse Biixi Cabdi tahay kor u qaadida iyo dhiirigalinta dhalinyarada iyo xirfadooda isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi: “inaynu shacab, ganacsato iyo dawladba gacmahaba isqabsano ayey tusaale fiican u yihiin labadaa inan ee ilma shabeel ee isku soo dubariday munaasibadan, aadbaanan ugu mahad naqayaa xoogooda iyo xirfada ay intaasoo huba oo bira ah ay kaga dhigeen dhalinyaradaasi oo u jiheeyeen dhankii Sportska, aniga iyo madaxwanaha JSL aanu dhalinyarada kalahayn oo ahayd in dhamaan ganacsato iyo cuqaalba layskugu tago horumarka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayey hormuud u yihiin ilma shabeel, waxaanan gudoonsiin doonaa abaalmarin”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com