Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidamada Puntland Oo Iskaga Baxay Fadhiisamadoodii Deeganka Tuko-Raq + [ Sababta Kaliftey ]

Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa shalay saldhigyo kala duwan oo ay ku sugnaayeen isaga baxay, gaar ahaan kuwii fadhiyay jiidda Tukaraq ee dhinacan Somaliland.

Ciidamada Puntland oo qaab-dhismeedkoodu marka horeba u diyaarsanaa qaab beelaysan oo u kala joogay qaabka beelaha ay ka soo jeedaan ayaa waxa xaaladda oo muddooyinkii dambe ku xumayd uga sii daray sida ay wararku sheegayaan markii uu dorraad guul darraystay oo shan cod lagaga badiyey Mid ka mid ah Musharaxiinta tartamaysay oo ay si gaar ah u taageersanaayeen kaasi oo ninka dhallinyarada ah ee Janaraalka ahaa oo lagu magacabo Asad Cismaan Cabdilaahi Diyaano kaasi oo kaalinta labaad ka galay tartankii doorashada ee lagu doortay Siciid Cabdilaahi Maxamed Deni.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Garoowe ayaa sheegaya in shalay galinkii hore Guutooyin fara badan oo ku kala sugnaa goobo kala duwani isaga baxeen xarumihii ay daganaayeen kuwaasi oo magaalooyinka iyo tuulooyiinka u kala yaacay iyaga oo gaadiidkooda wata taasi oo keentay in ay kulan degdeg ah isugu yimaaddaan madaxtooyada Puntland Madaxweynaha la doortay, Madaxweynaha xilka sii haya ee laga guulaystay iyo saraakiisha ciidamada kulankaasi oo ay kaga arrinsadeen xaaladdan culus ee Maamulkooda soo food saartay.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay galab warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shacabka iyo ciidamada Puntland ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee la doortay Siciid Cabdilaahi Deni halka ninkii tartanka adag la galay Madaxweynaha la doortay ee Asad Cismaan Cabdilaahi oo qoraal dheer ku baahiyay barta uu Facebook ku leeyahay uu ciidamada ugu baaqay in ay xarumahooda ku noqdaan oo la shaqeeyaan Madaxweynaha la doortay.

Dhinaca kale Madaxweynihii dorraad baarlamanka maamulkaasi doorteen ee Siciid Deni oo shalay telefishanka SBC la hadlay, mar wax laga waydiiyay Somaliland iyo waxa uga meel yaalla ayaa sheegay in aanay jirin wax Somaliland la yidhaahdan Soomaaliyana tahay hal dal oo lagu magacaabo jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Isaga oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi:

“Somaliland way qaldan tahay. Haku noqoto meeshoodii. Deegaamada ay haysataa maaha kuwo ay iyagu leeyihiin. Waxaan ku dadaali doonnaa in aan soo celino dhulka Puntland ee ay Somaliland qabsatay. Waxaan ku baaqaynaa in ay degdeg isaga baxaan deegaamada ay haystaan” ayuu yidhi Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi Garoowe loo doortay dorraad Salaasadii Siciid Cabdillaahi Deni

Source :- Foore

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com