Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MUJ CALI GURAY OO SOO BANDHIGAY SIDA XAL LOOGU HELI KARO SAAMI QAYBSIGA KURAASTA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND IYO SHAXDA TALO SOO JEEDINTIISA!!

Siyaasi Cali maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo kamida siyaasiyiinta reer Somaliland ee badanaa ka faalooda xaalada hadba ka taagan Dalka ayaa soo bandhigay sida xal loogu heli karo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee doorashada 2019 iyo shaxda gobolada Somaliland kuraasta loogu qaybin karo.

Sidoo kale siyaasi Cali Guray ayaa talo usooo jeediyay xisbiyada somaliland iyo xukuumada talada haysta.

Qoraalka talo soo jeedinta muj cali guray ayaa udhigan Sidan;

Talo Soo Jeedin

Saami-qaybsiga Kuraasida Aqalaka Wakiilada 2019ka

Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliland waxa la doortay muddo shan sanadood ahayd (2005 ilaa 2010) Haatanna waxay fadhiyaan sanadkii 14aad. In kastoo muddo dhaaf 9 sanadood ahi aanu cudur-daar caqligal ah yeelan karin Hadana waxa loo nisbeeyaa inay sabab u ahayd ilaa hadana u tahay saami qaybsiga 82ka kursi ee goluhu ka kooban yahay oo Aan heshiis lagu ahayn oo la isku haystay ilaa hadana la isku haysto sida dadka loo sheego. Waydiintu markaa waxay tahay Horta yaa isku haysta? Marka aynu run ka hadlayno saami-qaybsiga la isuguma haysto muxaafid iyo mucaarid, xisbiyo-na iskuma haystaan, golayaasha qarankuna iskuma haystaan eh waxa la isugu haystaa waa reero (qabyaalad). Xeerkii lagu doortay golahan muddo dhaafay wuxu ahaa in saami qaybsiga lagu saleeyo sidii loo kala lahaa 33kii xildhibaan ee baarlamankii 1960kii. Marka dhinaca beelaha laga eego sidii ay u kala fadhiyeen 33kii kursi ee lixdankii waxa run ah in saami-qaybsigii doorashadii 2005tii aanu ku salaysnayn baarlamankii 1960 sida Xeerka laftiisu uu dhigayay marka aynu eegno natiijadii ka soo baxday. Waayo doorashadu waxay ahayd gobol-doorasho Goboladana reeruhu way wada degaan hadana waxa la ogaa in ay jireen reero aan iyagu doorashada diyaar u ahayn inay ka qaybgalaan doorashada wakhtigaas oo ahaa inta badnayd

beelaha aan ahayn beesha dhexe kuwaas oo saamigii ay lixdankii ku lahaayeen.

33kii xildhibaan aan helin halka beelihii doorashada ka qaybgalayna ay dheeraad heleen. Marka aynu lixdankii dib ugu noqono ee aynu eegno tirada ay beesha dhexe ku lahayd iyo tirada ay beelaha kale lahayeen waxay ahayd sidan;

Beelaha Bariga 7 kuursi Beelaha Galbeedka 5 kursi Beelaha LTB (Shuuriye) 1 kursi Isugayn 13 kursi

Beesha dhexe 20 kursi (oo kii Cumar Dheere ku jiro)

33kii kursi marka guud ahaan 2.5 lagu dhufto waa 82.5 halka kuraasida wakiiladuna ay ka yihiin 82 kursi. Hadaba marka beelaha aan ahayn beesha dhexe ay lahaayeen 13 kursi ee 2.5 lagu dhufto waxay ahayd inay yeeshaan

32.5 kursi halka doorashadii 2005tii ay heleen 25 kursi oo keliya.

Beesha dhexe waxay xaq u lahayd 82-32.5= 49.5 laakiin doorashadii 2005 waxay ku heshay 57 kursi taas oo sideed kursi ay dheeraad ku ahaayeen oo beelaha kale ay ka maqnaayeen. Dhinaca kale saami qaybsigii lixdankii waxa jira reer si gaar ah uga soo horjeeda sababta ay ku diidan yihiin marka la eegana ay gar tahay loona baahan yahay in tixgelinteeda la siiyo. Marka saami qaybsigii lixdankiina laga duulayo siday wax u dhaceen doorashadii 2005tiina la hayo waxa loo baahan yahay xal lagu heshiin karo oo macquul ah.

Sidaa daraadeed kol hadii aynu ognahay in saami qaybsiga caqabadda ku noqday doorashada aan gobolo la isugu haysanin ee reero la isugu haysto kama fursanayso in reernimada lafteeda loo noqdo iyadoo laga duulayo saami qaybsigii lixdankii hadana wixii aan laga maarmi karin ee wax ka bedel ahna tixgelinteeda la siinayo.

Hadaba anigoo taa ka duulaya saami qaybsiga 2019ka waxa soo jeedinayaa sida ku faahfaahsan shaxda hoose.

Faahfaahin 1960 (x2.5)

2005 2019 Faalo

Beelaha Bariga 17.5 11 16 -1.5

Beelaha Galbeedka 12.5 14 15 +2.5

Beelaha LTB 2.5 00 2 -0.5

Isugayn 32.5 25 33

Beesha Dhexe 49.5 57 49 -0.5

Isugaynta Guud 82 82 82

Beelaha saami-wadaagga ah dhexdooda way kaga heshiin karaan sida ay u sii kala qaybsanayaan saamiga isugu jira.

Hadii soo jeedintani ay macquul noqoto farsamo ahaan sida saami qaybsigani u suurtgeli karaa ma adka marka meesha laga saaro gobol-doorashada kuraasidana waxa lagu salayn karaa degmooyin iyo goob-doorashooyin.

F/G marka la eego natiijadii doorashadii 2005tii laba reer ayaa si gaar ah ugu dhacmay oo ugu badan inta saamigoodii ku lumay. Dhulbahante oo 12.5 lahaa wuxu helay 7 kursi oo keliya halka Ciise oo 5 kursi tirsanayayna uu helay hal kursi oo keliya. Markaa soojeedintani waxay saxaysaa gafafkii hore ee dhacay doorashadii 2005tii. Dhulbahante halkii uu 7 kursi ka helay 2005tii wuxu helayaa 12 kursi 2019ka halka Ciise oo hal kursi oo keliya helay 2005tiina uu helayo 3 kursi. Beelaha laga tirada badan yahay oo doorashadii 2005tii la qadiyay ayaa iyaguna helaya 2 kursi.

Ugu dambaystii soo jeedintan anigu ma lihi 100% waa sax laakiin hadii aan tu dhaanta oo lagu heshiin karo la haynin isla markaana ay run tahay oo la doonayo inay doorashadu sanadkan qabsoonto waxay xal u noqon kartaa carqaladdii hor tagnayd doorashada sagaalkii sanadood ee ugu dambeeyay

ilaa hadana aanay jirin cid xalkeeda ka hadashay. Wa Bilaahi Tawfiiq

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com