Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

WARQAD SIR AH’ SHIRQOOLADA SIRDOONKA SOMALIYA AY U MALEEGAYAAN SOMALILAND IYO SHAQSIYAAD HARGAYSA UGA HAWLGALA

Xogo sira oo laga helay sirdoonka dawlada taagta daran ee muqdisho ayaa sheegaya in somaliland ay ka fulinayaan shirqoolo laga soo shaqeeyay kuwaas oo aan la garan karin nooca ay yihiin.

Warqada sirta ah ee ka soo baxday xafiiska sirdoonka somaliya ayaa ay ku socod siinayaan cid ay afgarasho dhexdooda ah u isticmaalayaan oo ay ka codsanayaan in hawlagalka uu ku hawlan yahay aanu aqoon ahaan ku filayn ee uu soo wareejiyo si cid aqoonteeda lihi ay u fuliso oo aanay fashilmin.

Sidoo kale warqada oo ay ku qorantahay cida ay la hadlayaan magaciisa iyo namberkiisa oo ay u soo gaabiyeen KHCL**27422 Oo ah shaqsiga ay ka codsanayaan inuu la soo xidhiidho islamarkaana ay warqadani ku socotay ayaa ah mid dalka iyo dadkaba khatar ku ah, wallow aynaan jiritaankeeda xaqiijin karin.

Shacbiga reer somaliland ayay warqadan sirta ahi amakaag iyo yaab ku riday islamarkaana baraha bulshada ayaa si laxaadle loogu hadal hayaa.

Waxa jira aragtiyaha qaar odhanaya warqadan waa wax la sameeyay oo been abuura sida ay u qoran tahay oo qaladaad ku jiro, Balse waxa ay moogan yihiin in sideedaba sirdoonadu ay sameeyaan qoraalada noocan oo akle ah oo ay qaladaad iyo qoraalo marin habaabin ah iyo habab qaldan ba ay u qoraan si ay hadhaw hadii ay sirtaasi ka baxdo ay ugu andacoodaan in ay tahay mid meelaha laga sameeyay oo sida ay u qoran tahay lafteedu ay tahay mid ku talogal leh oo ujeedadeedu tahay hadii la helo in muran ay dhaliso.

Warqadan ayaa ah mid fahan iyo foojignaan dheeraada u baahan islamarkaana mudan in koodhadhka ku qoran sida hal-xidhaalaha la furo oo la fahmo sida Magaca iyo namberka la soo gaabiyay ee ah
KHCL**27422, Kaas oo sida warqada aad ka arki doontaan ah mid hawshiisa leh

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com