Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Akhriso :- Magac-yada Afar Wasiir Oo Xukuumadii Siilanyo Ka Tirsanaa Oo Moqdisho Ka Degay

Afar Wasiir Oo Xukuumaddii hore Ee Kulmiye ka tirsanaa ayaa saaka si kedis uga degay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay illaa Hadda ku sugan yihiin.

Wa siir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil, Wasiirul Dawlihii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland ee xukuumaddii hore ee Kulmiye Khadar Axmed Diiriye, sidoo kalena Xilal Agaasime Guud ka soo qabtay Wasaaraddaha Cadaaladda iyo Waxbarashada, Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Axmed Keyse Guray iyo Masuul kale oo aanaan magaciisa helin, balse isna Xil Wasiir ku xigeen kasoo qabtay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ayaa sida la xaqiijiyay ka degay Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxa sidoo kale la socday sida lanoo xaqiijiyay Siyaasiyiin kale iyo aqoonyahano dhalinyaro ah.

Sidan waxa u xaqiijiyay Shabakadda Foore mid ka mid ah masuuliyiintan oo aanu khadka telefanka kula xidhiidhnay.

Lama garanayo ujeedada safarka masuuliyiintani u tageen Dalka Soomaaliya, Waxaanay ku soo beegmaysaa wakhti ay aqoonyahankii iyo Siyaasiyiintii ugu badnaa ee dalka Somaliland ay ku sii qul qulayaan Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya si ay shaqo uga raadsaan.

Tiro Afar kun oo qof kor dhaafaysa oo reer Somaliland ah ayaa mudooyinkan u dambeeyay ka degay Muqdisho sida lanoo sheegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com