Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtey Kadib Booqasho Uu Laba Cisho Ku Joogay Dalka Itoobiya + [ Sawiro / Muuqaal ]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo booqasho laba maalmood qaadatay ugu maqnaa dalka Itoobiya, ayaa maanta kusoo guryo noqday caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa markii ay soo cago-dhigteen gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxa safarkooda saxaafadda uga warbixiyey wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxana uu shaaciyey in wada-hadal midho dhal ah oo guul laga gaadhay uu dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

“Weftigu waxa uu la kulmay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Axmed oo ay weheliyaan wasiirrada Khaarajiga, maaliyadda, wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda iyo saraakiil sarsare oo dalka Itoobiya ka tirsan. wada-hadal is-fahan dheer leh, ayaa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha iyo madaxda labada dalba dhexmaray.”

Wasiirku waxa uu si gaar ah faah-faahin uga bixiyey waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada-hadleen weftiga uu madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo iyo Ra’iisal wasaaraha dawladda Federal-ka Itoobiya Dr. Abiy Axmed

Image may contain: 2 people, people standing, shoes, child, sky and outdoor

“Waxannu ka wada-hadalnay sii xoojinta iyo adkaynta xidhiidhka iyo is-kaashiga muddada dheer usoo socday dalalka Somaliland iyo Itoobiya ee xagga ganacsiga, nabadgelyada iyo arrimaha siyaasadda intaba, waxana aanu ka wada-hadalnay sidii Somaliland iyo Itoobiya ay uga wada-shaqayn lahaayeen qalalaasaha iyo mashaakillada ka taagan guud ahaanba Geeska Afrika iyo sidii loosii ambo qaadi lahaa wada-hadalkii muddada hakaday ee is aragyada doorka ahna laga galay ee Somaliland iyo Soomaaliya, arrimahaasna si wanaagsan baanu isula lafo-gurnay, si wanaagsanna waa la isula fahmay,” ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

Image may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 3 people, people sitting

Wasiirku waxa uu si weyn uga mahadnaqay habkii maamuuska sarreeyey ee ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya iyo guud ahaanba saraakiisha sarsare ee xukuumadda uu hoggaamiyaa usoo dhaweeyeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com