Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

KU SIMAHA MADAXWEYNAHA QARANKA SOMALILAND OO SAGAATIYEY DHALLINYARO TARTAN DHINACA ORODKA AH KAGA QAYBGELAYSA DALKA JABUUTI

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sagootiyey saddex dhallinyaro ah oo magaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland kaga qaybgelaya tartan dhinaca orodka ah oo lagu qabanayo dalka Jabuuti.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa la dardaarmay dhallinyaradan tartanka ka qaybgelaysa, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay maanka ku hayaan sidii ay guul ugu soo hoyn lahaayeen qarankooda, islamarkaana ay aaminaan inay rumayn karaan hammigooda ah inay tartankaas ka geli karaan kaalmaha hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com