Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Aljazeera Tv Oo Ka Laabtay Eedihii Shirkadda Dahabshiil

Telefishanka Aljazeera ayaa ka laabtay eedo been abuur ahaa oo uu ka faafiyay shirkadda Dahabshiil Group kadib markii shirkaddu soo saartay warsaxaafadeed ay eedaha iskaga fogaysay.

Laanta Afka Carabiga ee telefishanka Aljazeera ayaa barmaamij uu baahiyay March, 17, 2019 waxa ku jiray eedaymo ka dhan ah shirkadda Dahabshiil laakiin, telefishanka ayaa barmaamijkiisa ka saaray qaybaha ku saabsana shirkadda Dahabshiil.

Warsaxaafadeed shirkadda Dahabshiil soo saartay 19 March ayaa lagu yidhi

“Dahabshiil waxay ugu baaqaysa telefishanka Aljazeera in uu ka noqdo eedaha aan sal iyo raad toona lahayn, islamarkaana macluumaadkan ka saaro boggagga lagu baahiyay.”

Kadib warsaxaafadeedka telefishanka Aljazeera waxa uu barmaamijka ku jiray boggaggiisa ka saaray qaybaha ku saabsana shirkadda Dahabshiil.

Shirkadda Dahabshiil ayaa hore u sheegtay in aanu telefishanku siin xuquuqda jawaabta intii aanay barmaamijka baahin taas oo saamixi lahayd in laga fogaado eedo aan sal iyo raad toona lahayn oo barmaamijka ku jiray kana dhan ahaa shirkadda.

Shirkadda Dahabshiil Group oo Si Xooggan U Beenisay Eedaha Aljazeera

Guddoomiyaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa sheegay in shirkaddu dhiiri gelinayso saxaafadda caalamka oo dhan ee xaqiiqda ku salaysan

“Ciddii Dahabshiil doonta in ay la hadasho ma waydo, Dahabshiil wuxuu ka shaqeeya boqol iyo dhawr iyo labaatan Waddan oo caalamka ah, nasiib darro wax xidhiidh ah oo ay nala soo sameeyeen ma jirin haddii ay nala soo samayn lahaayeena si sax ah ayaanu uga jawaabi lahayn waxyaalaha ay doonayaan in ay na waydiiyaan. Anagu saxaafadda caalamka oo dhan xorriyaddooda iyo shaqadooda ixtiraam baanu u hayna, in saxaafaddu shaqadeeda qabsatana ixtiraam baanu u hayna laakiin, sida caalamka looga shaqaynayo waad ogtihiin BBC-da iyo kuwa la midka ahba caddaaladda in ay ilaaliyaan oo cidda ay magaceeda sheegayaan hubiyaan oo ay siiyaan in ay ka jawaabaan,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil oo BBC-da u warramay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com