Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad u jeedinayey labada gole ee baarlamaanka soomaliland ayaa ka gaabsaday inuu khudbadiisa ku soo qaato doorashooyinka wadanka ku soo fool le

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad u jeedinayey labada gole ee baarlamaanka soomaliland ayaa ka gaabsaday inuu khudbadiisa ku soo qaato Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale afka ka dhawray inuu soo bandhigo qorshaha uga yaala xildhibaanada goleyaasha deegaanada dalka oo mudo xileedkoodii ay maalmo koobani ka hadhsan yihiin.

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka gaabsaday inuu xildhibaanada labada gole u soo bandhigo qorsheyaasha uga yaala qabsoomida doorashada golaha wakiilada iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilay inaanu goleyaasha uga waramin arimaha doorashooyinka waxaanu yidhi “Anigu waxaan halkan ka cadaynayaa in khudbadii uu dastuurku waajibiyey aanu madaxweynuhu labada gole keenin ee uu khudbad borobogaandho ah oo xisbiga kulmiye ah oo aad moodo inuu doorasho ku galayo uu keenay, taasina waxay ahayd fursad wanaagsan oo la baalmaray.”

Sidoo kale xildhibaan Cabdiqaadir Jirde waxa uu si adag madaxweynaha ugu dhaliilay inaanu khudbadiisa ku soo darin waxa laga yeelayo goleyaasha deegaanada ee dalka oo wakhtigoodii gaba gabo ku dhaw yahay “Deegaan ay lix maalmood ka hadhsan yihiin doorashadoodii ayuu afka ka xidhay, muxuu ka damacsan yahay, muxuu goleyaasha ka rabaa, maxaa nagaga waajiba, doorashadii baarlamaanka oo arinta ugu weyn ee somaliland hortaagan ee ay ku jabayso ama ka kacayso mabuu soo qaadin.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com