Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

HOOYO IYO AFAR CARRUUR AH OO AY DHASHAY OO KU DHINTAY QARAX BAM

Hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay degmada Dhagax Madow ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ka dib markii ay ku qaraxday bir ay muddo dheer manaafacaadsan jireen, sida ay dad qaraabada ah u Shabakada Wajaalenews.

Ugu yaraan afar qof oo kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhawaac meen qaraxan.

Birtan oo la sheegay in qoyskaasi tib mooye ahaan u adeegsan jireen muddo dheer ayaa qaraxday ka dib markii mid ka mid ah caruurta dhimatay uu bir kale ku guraacay.

Waxaa la fahansan yahay in birtaasi ay ahayd hadhaaga miinooyinkii la adeegsanayay markii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977.

Dukaan ay qoysku lahaayeen ayuu qaraxaasi ka dhacay, arrintaas ayaana horseeday in ay ku dhaawacmaan dad aan ka mid ahayn xubnaha qoyska.

“Waxaa jira dad kale oo magaaladaas ku nool oo birtan oo kale tib ahaan u isticmaala” ayuu yidhi mid ka mid ah qaraabada dadkaas oo la hadlay Wajaalenews.

“Qoyska ay miinadu ku qaraxday ayaa ka koobnaa toddobo xubnood waxaana ka badbaaday aabihii iyo Ilma Yar oo kali ah,” ayuu intaas ku sii daray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com