Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

tartankii ciyaaraha soomaaliland oo fashilaadi ku timd in uu ka dhaco hargaysa stadum

Bil ka hor shalay oo kale ayaa Wasiirka Ciyaaraha Xukumada Siilanyo Cali Saciid Raygal ilcaamiyey inay tartankii ciyaarihii Gobolada Somaliland dib u dhigeen kaas oo qorshuhu ahaa in la qabto 15 Decembar 2012ka,Wuxuuna wasiirku intaas ku daray in loo raray 15ka janaayo 2013ka oo maanta laba Cisho inaga xigaan.
Hase yeeshee Nin baa laga hayay “Soortaan ka dhergaayo sansaankeedaan ka aqaanaaye” sansaanka muuqda ilaa hadda lama filan karo in tartanka ciyaaraha Gobolada Somaliland qabsoomo maalintaa loo calaamadiyey ee 15-ka Janaayo 2013ka maadaba ilaa maanta aanu muuqan,diyaarsanayna jawigii iyo xaaladii ciyaar lagu qaban lahaa inkastoo ilaa hadda aanay xukumada siilanyo ka hadlin arintaas balse kelmadii ugu danbaysay ee ka soo baxdaa ahayd waa la qabanayaa iyo Hargeisa Stadium baa lagu qabanayaa!. Weli ilaa haddana may sheegin Taariikh kale oo sidii caadada u ahaan jirtay ay u rartay.
Taas caksigeedana qaar ka mid ah Haween-weynaha degan xaafada Axmed Dhagax oo dhawaan xus baroor diiqa u sameeyay dhalinyaro xukumada Siilanyo mudaharaadyo Silmi ah ku laysay ayaa ka dhawaajiyey inaan tartanka ciyaaraha Gobolada lagu qaban karin Hargeisa Stadium oo ku yaala xaafada Axmed Dhagax inkastoo Suldaan dhalin yar oo ka mid ah suldaanada beesha Arab , Suldaan Xuseen Cabdi Cabdilaahi warbaahinta la soo horjoogsaday in warkaas Dumarka Reer Axmed Dhagax been yahay oo tartanka ciyaaraha garoonkaas lagu qaban doono balse wuxuu u eeg yahay Jawigu in warkii haweenku runta xigo!..
Isku soo wada duuboo waxaa run iyo biyo kama dhibcaan ah inaan tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland lagu qaban Karin Hargeisa Stadium 15ka Janaayo oo laba cisho oo keliya inaga xigto sidii Haweenka reer Axmed Dhagax ku goodiyeen.waxaa kaloo muuqatey qorshe-xumada xukumada Siilanyo iyo inaanu jrin qorshe rasmiya oo ay arintaas uga meel yaalay ama kaga dabaalan karto xaalada taagan,waxaa keliya ee laysla dhexmarayaa in wasiirka ciyaaruhu dhalinyarada weydiinaayey bal wixii caqabadan soo fodsaartey laga gudbi lahaa iyo Sidii arintaas laga yeeli lahaa iyo waqtiga iyo meesha loo rari karo tartanka ciyaaraha, waxaana xoguhu sheegayaan in xukumada Siilanyo isagu luga duwatey in tartanka ciyaaraha dib loo dhigo islamarkaana Magaalada Berbera lagu qabto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com