Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Urur-siyaasadeedka Xaqsoor oo ka mid ahaa Ururradii Siyaasadda ee ku hadhay Tartankii doorashadii Goleyaasha Deegaanka, ayaa soo jeediyey in dib loo dhigo wakhtiga loo cayimay in la qabto Ciyaaraha Gobollada Somaliland oo loo asteeyey 15 bishan in ay ka qabsoomaan Hargeysa Studuim,

Hargeysa (maantasmaliland.com), 12, Jan, 2013- Urur-siyaasadeedka Xaqsoor oo ka mid ahaa Ururradii Siyaasadda ee ku hadhay Tartankii doorashadii Goleyaasha Deegaanka, ayaa soo jeediyey in dib loo dhigo wakhtiga loo cayimay in la qabto Ciyaaraha Gobollada Somaliland oo loo asteeyey 15 bishan in ay ka qabsoomaan Hargeysa Studuim, waxaanay sheegeen in haddii Xukuumaddu ku adkaysto in ay wakhtigaas ku qabato in wixii ka yimaada ay dusha u ridan doonto.

Eng. Keyse Yuusuf oo ah Madaxii Ololaha Doorashada ee Ururka Xaqsoor oo xalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo, ayaa sidoo kale sheegay in Ururkoodu sii jiri doono inta ay Somaliland jirayso, isla markaana waxa uu ku dooday in Ururkooda la boobay ee aanu ku hadhin doorashooyinkii dalka ka dhacay, waxaanu yidhi “Markii ay Maxkamdduhu naga diideen inay naga qabtaan Dacwadihii aanu qabnay ee aanu is lahayn u gudbiya markii ay ogaadeen in cadaymo aanu hayno oo ay is yidhaahdeen yaan la ogaanin, ayaa waxa uu Ururka Xaqsoor go’aansaday inuu sii jiro, waxaananu ku adkaysanaynaa oo aanu taageerayaashayada u sheegaynaa mar kale inuu Ururka xaqsoor sii jiri doona inta ay Somaliland jirto, cidda la leeyahay way soo baxdayna waxa weeyaan ciddii dhacday, kuwa la leeyahay waad dhacdeen ee Xaqsoor Kow ka yahayna waxa weeyaan intii soo baxday, waxaasna waxa dhigay oo tiro tiro ka goo ku waday Xukuumadda iyo Komishanka, mana aragno Xukuumaddii dadka dhex u noqon lahayd ee dadka kala dhex geli lahayd ee waxaanu aragnaa dad aan wada socon oo Wasiirku waxa uu doono uu samaynayo, mana garanayno xaaladda dalka la gelyey inuu ka soo kaban doono”

Eng. Keyse Yuusuf oo la weydiiyey su’aal ahayd in ay Ururaddii kale ee hadhay tanaasuleen, sababta ay iyaga cabashadoodu u dabo dheeraatay, waxa uu yidhi “Ururaada hadhay waxa weeyaan nin hadhay iyo nin la booday oo la dhacay, ayaanu kala nahay oo iyaga indhaha ayaa loo ciideeyey, waxaanay ahaayeen Ururrada hadhay ee aqbalay qaar la yidhi aan indhaha kuu ciideeyee khasab ku qaado, ayaanu u aragnaa, laakiin anaga waa nala dhacay ee maanaan hadhin”

Mar waanu weydiinay Masuulkan sababta Degmada Axmed Dhagax oo keliya looga dareemo dhaqdhaqaaqyada ay sameeyaan taageerayaashiisu, waxaanu yidhi “Haddii aan la is idho tirayn Ururka Xaqsoor waxa uu ahaa Ururkii ugu ballaadhaan Ururrada oo Bari ilaa Galbeed halka ugu dambaysa ayuu ka jiray, waana caddaan inaanuu Ururka Xaqsoor ahayn mid Degmada Axmed Dhagax oo keliya ka jiray, hataa waxa Ururka Xaqsoor soo ururinayey meelihii Somaliland ka sii siibanayey ee Bariga Fog iyo galbeedka, waxaanuu ahaa Ururkii ugu baaxadda waynaa ee Somaliland soo mara, waanuu ka ballaadhan yahay mid Degmooyin iyo Gobolo ku kooban”

Madaxdii Ololaha ee Xaqsoor oo ka hadlaya Ciyaaraha Gobollada Somaliland waxa uu yidhi “Berigii uu Siyaad Barre ka sii baxayey Muqdisho, ayaa waxa uu ku dhawaaqay Ciyaarihii Gobolada in la qabto, iyada oo ay xaaladdu aanay caadi ahayn oo aanay magaaladuba gacanta ugu jirin, maalintii isaga Muqdisho Kaaraha lagaga baxsad siinayey Ciyaaro ayaa ka socday Muqdisho, markaa wakhtiga Ciyaaraha lagu beegay ayaa khaldan, waayo waxa la qiimeeyaa xaaladda lagu jiro markaas oo xaalad kale oo xaaladda sii kharibi karta lagama dulgeeyo, waxaanan u arkaa inay Taariikhdaas 1991-kii oo kale u eegtahay tan Ciyaaraha ee la sheegayaa, waxaaban suura gal ahayn sida ay dadku isugu soo lahayn karayaan meesha lagu qabanayo oo ay ogyihiin xaaladda ka taagan, waxaanu Xaqsoor ahaan leenahay wakhti kale oo aan kaa Siyaad Barre la mid ahayn ha loo bedelo oo ha loo eego Duruufaha jira, haddii aan wax kale looga jeedin, markaa dib ha loo dhigo ayaanu leenahay oo wakhti sidan ka degen ha loo eego, haddii ay Xukuumaddu sidaas ku sii wadana wixii ka dhaca iyada ayaa masuul ka noqon doonta, Taayada waxa ka wayn taanu umadda u saxayno oo waxaanu wadnaa inaanay wa sidan la mid ahi soo noq noqonin ee ma aha inaanu dantayada uun eegayno”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com