Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Al shabab oo soo bandhigtay maydka askarigii faransiiska ahaa ee ay ku qabteen weerar kii buulo maree

(msl)
Xafiiska Warfaafinta ee xarakada AlShabaab ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in uu dhintay Sarkaalkii Ciidamada Kumaandoosta Faransiiska ka tir sanaa ee habeen saddexaad weerarka ku soo qaaday degmada Buula-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose iyagoo soo bandhigay Sawiro Muujinaya Maydka ninkaas.
Bayaan ka soo baxay kooxda AlShabaab laguna baahiyay Barta Twitter-ka ee Xarakada ayaa lagu sheegay in ninkan Sarkaalka ah uu dhaawac halis ah ka soo gaadhay Dagaalkii ay Kumaandoosta Faransiisku la galeen Ciidanka faransiiska ah isla markaana ay dhaawac ahaan goobta kaga qaadeen kadib markii ay goobta ku qanteen isagoo dhawac ah , Balse uu xilli dambe dhaawicii soo gaadhay uu u dhintay.
xarakada Al shabab ayaa sheegay in ay Macluumaadaad Muhiim u ah ka heleen Sarkaalka Faransiiska ah intii uusan dhiman ka hor iyo weliba qalab aad u fara badan oo ay goobta kaga tageen, kuwaas oo iskugu jira Qalab Milatari iyo kuwo dhanka Lojistikada ah.
Bayaankani wuxu intaa ku darayaa in ay xarakadu go,aanka gaadhidoonto siddii laga yeeli lahaa isagana sarkaal kii ay hore u haysteen isla markaana ay cadeeyeen in uu nool yahay.
Cabdiraxman cabdilaahi cismaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com