Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waxa uu guuxiisu si weyn isu soo tarayaa loolan siyaasadeed oo ka dhex jira xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, kaas oo ah murashaxa madaxweynaha ee xisbiga iyo guddoomiyaha xisbiga. Loolankan oo gudaha xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda dhexdeedaba laga dareemayo, ayaa hordhac u ah shirweynaha xisbiga KULMIYE oo qabsoomi doona bisha March ee sannadkan,

Waxa uu guuxiisu si weyn isu soo tarayaa loolan siyaasadeed oo ka dhex jira xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, kaas oo ah murashaxa madaxweynaha ee xisbiga iyo guddoomiyaha xisbiga.

Loolankan oo gudaha xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda dhexdeedaba laga dareemayo, ayaa hordhac u ah shirweynaha xisbiga KULMIYE oo qabsoomi doona bisha March ee sannadkan, waxaana lagu caleemo saari doonaa hoggaanka xisbiga oo si rasmi ah loo dooran doono iyadoo sidoo kale la xuli doono xubnaha golaha dhexe oo iyaguna kala saari doona murashixiinta xisbiga ee uu damaca murashaxnimo ku jiro. Weli lama xaqiijin in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo isu soo sharixi doono in loo xusho murashaxa xisbiga ee doorashada dambe, sidoo kalena lama oga meel uu ku cadeeyay inuu ka tanaasulay murashaxnida, maadaama oo uu sharcigu u ogolyahay inuu laba goor is sharaxo, waxaana markaas suurtogal ah in Madaxweyne Siilaanyo isu sharaxo murashaxa xisbiga KULMIYE ee doorashada dambe ee madaxtooyada. Haddii uu isa soo sharaxana waxa la ogyahay inuu ku guulaysan doono doorashada xisbiga dhexdiisa. Haddiise uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo imikaba ay hoggaamintiisa dhaliil badani ka muuqataa go’aansado inuu ka hadho tartanka, waxa la filayaa inuu tartan adag oo murashaxa xisbiga ahi dhex maro guddoomiyaha xisbiga ee wakhtigan Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu labadaba hunguri ka hayo inay noqdaan murashaxa madaxweynaha ee xisbiga. Dad badan ayaa aaminsan miisaaniyadda uu Wasiir Samaale wakhtigeedii ka soo horumariyay inay ka mid tahay ololihiisa murashaxnimada xisbiga KULMIYE.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna dhinaciisa ka wada olole xoogan oo uu ku doonayo inuu cududiisa ku muujiyo shirweynaha xisbiga KULMIYE.

Si kastaba ha ahaate shirweynaha xisbiga KULMIYE ee sannadkan ayaa noqon doona mid culayskiisa iyo xaasaasiyadiisa leh, waxaana dad badan u muuqata inuu saddex ka dhigi doono labadii shir ee ka horeeyay ee ku kala qabsoomay Burco iyo Hargeysa oo uu mid walba goostay garab siyaasiya oo miisaan leh. Waxase la hubaa laba qodob oo kala ah in haddii uu Madaxweyne Siilaanyo isa soo sharaxo aanay ciddi la tartami doonin, haddii lala tartamana uu guulaysan doono iyo qodobka labaad oo ah haddii uu isa soo sharixi waayo inuu guulaysan doono hadba ninka uu taageeraa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com