Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudida ilaalinta iyo daryeelka qaranka ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxay warbixin ka dhagaysteen wasiirka wasaarada duulista, hawada iyo gaadiidka cirka Maxamuud Cabdi Xaashi, waxaana u wasiirku ka xog-waramay waxqabadka wasaaradiisu ay ku talaabsatay intii uu xilka hayay isagoo sheegay inay wax badan ka badaleen intii ay xilka kala wareegeen xukuumaddii hore.

Gudida ilaalinta iyo daryeelka qaranka ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxay warbixin ka dhagaysteen wasiirka wasaarada duulista, hawada iyo gaadiidka cirka Maxamuud Cabdi Xaashi, waxaana u wasiirku ka xog-waramay waxqabadka wasaaradiisu ay ku talaabsatay intii uu xilka hayay isagoo sheegay inay wax badan ka badaleen intii ay xilka kala wareegeen xukuumaddii hore.

Gudida oo su’aalo ka waydiiyay wasiirka lacago laga qaado dadka dhoofaya oo uu wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamada Samaale hore u sheegay in aanay ku xeroon qasnada dawladda.

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Cabdi Xaashi ayaa waxa uu sheegay inay lacagaha ay ka qaadaan dadka dhoofaya aanay iyagu qaadin ee ay qaado haa’yada NASHA oo ay ku daryeesho hawlaha mishiinada madaarada dalka “Waxaan xogogaal ka ahay oo aan ka war hayey mashruucan dadka lacagta lagaga qaado markii la bilaabayey, hawshana (lacagtaa) inaanu baarlamaanka horkeeno way suuroobi wayday baahida loo qabay awgeed, waxaana lacagtaasi qaada shirkada Nasha oo ku daryeesha mishiinada kala duwan ee ay madaaradu ku shaqeeyaan” Ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaa ku daray “Rabitaanka beesha caalamka iyo hay’addaha nala shaqeeya ayaanu u aqbalnay inaanu lacagtan qaadno, oo sida qarankeenu aqoonsi ugu baahan yahay ayey hawadeenuna aqoonsi ugu baahan tahay”.

Sidoo kale waxa uu wasiiru sheegay inay garomada Berbera oo aan la dayactirn in muddo ah ay iyagu ku sameeyeen dayactir balaadhan oo uu hadda yahay garoon caalamiya oo ay ku soo degaan diyaarado aan waligood ku soo deign, waxa kale oo uu sheegay inay garoonka Hargeysana ka wadaan hawlgal u balaadhan oo aan wali laga hirgalin noociisa oo kale waxaana uu intaa raaciyay inay wadaan dhismayaal cusub oo kale waxaan uu yidhi isaga oo arimahaa ka hadlayaana “Garoonka Magaalada Berbera oo 19-kii sanadood ee u dambeeyay la taaban oo dayactir badani ka muuqday shaqo badan-baanu ka qabanay, waxayna dhiirigaliyey inay diyaarado aan waligood soo degin ay soo degaan oo ay ka mid yihiin 737,700,400,300 waayo mishiinadooda ayaa aad dhulka ugu dhaw, garoonkan ay Hargeysana waa laga shaqaynaayaa waxaananu ku samaynaya siligyo si ay uga ilaaliyaan xoolaha iyo dadka”

Sida hadalka Wasiirka ka muuqata 10-ka doolar ee laga qaado dadka madaarada ka dhoofa ama ka soo degga, toos uma qaado Wasaarada duulista hawadu, balse waxa ay qaada hay’adda NASHA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com