Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo wefti uu hogaaminayey oo shalay gaadhay Magaalada Saylac ee Gobolka Salal, ayaa ilaa maanta halkaasi ka wada wada-hadalo ay la yeelayaan waxgaradka beesha Ciise oo diidan in Maayarnimada Saylac ay qaataan beesha ay Walaalaha yihiin ee Samaroon.

Jan 15,2013 – Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo wefti uu hogaaminayey oo shalay gaadhay Magaalada Saylac ee Gobolka Salal, ayaa ilaa maanta halkaasi ka wada wada-hadalo ay la yeelayaan waxgaradka beesha Ciise oo diidan in Maayarnimada Saylac ay qaataan beesha ay Walaalaha yihiin ee Samaroon.

Ka Sakow, kulan loo dhammaa oo maanta galinkii hore ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Salal ee Magaalada Saylac oo ay ka qayb-galeen siyaasiyiinta, aqoonyahanka, xildhibaano iyo maamulka Gobolkaasi oo Wasiirka iyo masuuliyiinta la socotaa ka jeediyay hadalo koob-kooban oo ku aadanaa ujeedada socdaalkooda iyo waxa ay ka filayaan kulamada ay la yeelanayaan dadka deegaanka, ka dib waxay galinkii dambe ee maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la galeen waxgaradka beesha Ciise oo tabasho badan ka qabba sidii ay u dhacday doorashadii deegaanku, waxaana ilaa caawa Salaadii Cishaa’I lagu jiray shirkii bilaabmay galinkii dambe ee maanta.

Kulankan oo u gaar ah weftiga Wasiir Duur iyo waxgaradka ay ka go’do tallada beesha Ciise, ayaa tibaaxaha ka soo baxayaa ku waramayaan in beesha Ciise ay weftiga xukuumadda ka socda u soo bandhigeen tabashadooda ku aadan qaabkii doorashadu uga dhacday Gobolka Salal, taasi oo ay imika iyo horeba ay saluug weyn uga muujiyeen, waxaana la tilmaamay inay weftiga ugu gar-dhigteen dhibaatadii dhimashada iyo dhaawacaba lahayd ee ka dhalatay hawlgalkii ciidamada Milatarigu ku kala kaxaynayeen dadkii diidanaa xil-wareejinta Maayarka todobaadkii hore.

Sidoo kale, waxa la tilmaamay in odayaasha beesha Ciise ay sheegeen inay xukuumadda uga fadhiyaan inay dusha u ridato masuuliyada khasaarihii ka dhacay rabshadihii Saylac, inkasta oo aan laga war-qabin waxa ay ka yidhaahdeen Maayarnimada Saylac oo ah halka sartu ka qudhuntay ee sababta u ah khilaafka labada beelood.

Warka ayaa intaa ku daraya, in Wasiir Duur iyo masuuliyiinta socdaalka ku weheliyaa ay odayaasha beesha Ciise ku qanciyeen in xukuumad ahaan ay leedahay masuuliyadda wixii dhibaato ka dhacay rabashadihii Saylac, waxaana la tilmaamay in weftigu odayaasha ku waaniyey inay wax walba ka horeysiiyaan ilaalinta nabadgalyada, si fursad loogu xal ka gaadhida mushaakilaadka iyo tabashoodaba.

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa marka caawa uu u soo dhamaado kulanka Beesha Ciise, waxa la filayaa inay maalinta barri ahna ay kulan la yeeshaan waxgaradka Beesha Samaroon, si marka dacwadooda loo dhageysto la isugu keeno walaalahooda Ciise, six al kama dambays ah looga gaadho khilaafka deba dheeraaday ee halkaasi ka taagan.

xasan jaamac
maaantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com