Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Fadhi ka Yeeshay Xeer Hoosaadka Uu Goluhu Ku Shaqayn Doono

(mSL.- Hargeysa) Golaha deegaanka ee Degmada Hargeysa ayaa maanta waxay yeesheen fadhigoodii shaqo ee ugu horeeyey ee ay yeesheen ka dib kulankii ay Maayarka ku doorteen, iyada oo kaga hadlay xeer hoosaad u u goluhu ku shaqeeyo.
Fadhigan oo uu shir Guddoominayey Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna Maayarka Hargyesa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo aanay saxaafaddu goob joog ka ahayn ayna oo xaadireen 22 xildhibaan ayaa markii uu dhammaaday waxa saxaafaddu uga xog-waramay waxyaabihii lagaga hadlay mayarka caasimadda
Eng Yuusuf Warsame Siciid waxaana hadalkiisa ka mid ahaa : “ Maanta waxaanu galnay kal-fadhigii ugu horeeyey ee golaha deegaanka Hargeysa intii horena waxaanu ku jirnay xil-wareejin iyo in aanu fahamno sidii ay dawladda hoose u shaqayn lahayd , waxaanu xildhibaanaddu wadeen daraasad ku saabsan qaabka dawladda hoose u shaqayso wayna soo dhammaatay markaasi maanta ayaanu yeelanay fadhigii ugu horeeyey.”
Waxa kale oo uu sheegay Mayarku in ay 3 bilood ku sii shaqayn doonaan xeer hoosaadkii ay dawladdu hoose ee hore ku shaqayn jirtay waxaana hadalkiisa ka mid ahaa : “ Waxaanu muddo 3 bilood ah ku siin shaqayn doonaa xeer hoosaadkii dawladdii hoose ee hore ay ku shaqayn jirtay ka dibna waxaanu saman doonaa mid noo gaar ah , waxa kale oo aanu isku qaybinay guddiyo kale duwan oo ay ka mid tahay guddida dhaqaalaha , caafimaadka nabad-gelyada.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com