Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiisimada ku leh aaga degmada Xuddun ee Gobolka Sool, ayaa dagaal la galay Maleeshiyaadka Kooxda la baxday Khaatumo, kuwaasi oo weerar ku qaaday.

(msl)Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiisimada ku leh aaga degmada Xuddun ee Gobolka Sool, ayaa dagaal la galay Maleeshiyaadka Kooxda la baxday Khaatumo, kuwaasi oo weerar ku qaaday.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu qarxay ka dib markii Maleeshiyaadka Khaatumo ay hub ku soo tuurtuureen fadhiisimada ciidanka, taasi oo ay ciidankuna kaga jawaabeen hub culus, halkaana waxa ka qarxay dagaal si teel teel ah halkaasi muddo uga socday, inkasta oo aanu jirin wax khasaare ahi, sida Ramaas ay u xaqiijiyeen askar ka mid ah ciidamadu.

Maleeshiyaadka Khaatumo ayaa fadhiisimada ciidamada hub ku garaacay ka dib markii ay ka war-heleen in taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland Ismaaciil Shaqale uu kormeerayo fadhiisimada ciidamada ee Xuddun.

Taliyaha guud ee ciidamada qaranka, ayaa maanta kormeer ugu tagay ciidamada qaranka ee jiida hore oo ay ka mid tahay Xuddun, waxaanu kormeer ku soo sameeyay xaalada ciidamada qaanka ee wakhtigan.

Maleeshiyaadka Khaatumo la baxday ayaa tan iyo markii doorashada deegaanku ka qabsoontay Xuddun, halkaasi ka wada weeraro lid ku ah ciidamada Qaranka, iyagga oo doonaya inay ciidamada qaranku ka baxaan aagaasi.

xuseen xarbi
maantasomaliland/hargaysa office
harbi_31@hotmai.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com