Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

LIVERPOOL OO MARKII LIXAAD KU GUULAYSATAY KOOBKA UEFA CHAMPIONS LEAGUE (SAWIRRO)

Kooxda Liverpool ayaa markii lixaad ee taariikhda kooxdeeda ku guulaysatay koobka UEFA Champions League kadib markii ay guul ka gaadhay kooxda ay Premier league ka wada ciyaaraan ee Tottenham.

Mohamed Salah ayaa daqiiqadii labaad ee ciyaarta goolka furitaanka rekoodhe ku dhaliyay laakiin Origi ayaa noqday xidigii Tottenham kaga oohiyay goolka labaad iyada oo ciyaarta saddex daqiiqo ka hadhsan tahay.

expanded thumbnail

Liverpool ayaa ka soo kabsatay guuldaradii xili ciyaareedkii hore ee finalkii Champions league wuxuuna ugu danbayn Klopp awooday in uu dhinac iskaga dhigay dhibaatadii ka haystay finalada kulamadii uu Liverpool soo maamulay.

Goolhaye Alisson ayaa door layaableh ka qaatay in Liverpool ay koobkan ku guulaysatay isaga oo jamaahiirta Reds iyo Klopp ilaawsiiyay ceebtii Loris Karius ee xili ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa markii lixaad ku guulaysato koobka UEFA Champions league waxayna Reds koobka kooxaha Yurub dib ugu soo celisay Anfield oo shan jeer oo hore la keenay.

Liverpool beat Tottenham 2-0 as they were crowned champions of Europe for the sixth time
Tottenham Hotspur v Liverpool - UEFA Champions League - Final - Wanda Metropolitano
expanded thumbnail
expanded thumbnail
expanded thumbnail
expanded thumbnail

Wajaalenews Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com