Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Roobab Dabaylo Wata Oo Khasaaro Gaadhsiiyay Deegaanada Cali-Xaydh Iyo Riiga Karuura Ee Gobolka Awdal.

Roobab khasaare Gaystay ayaa galinkii dambe ee maanta ku dhuftey degaanada Cali Xaydh

iyo Karuure oo ka tirsan gobolka Awdal, sida ay shabakada u xaqiijiyeen Gudoomiye-yaasha degmooyinka Lughaya iyo Cali Xayd

Roobabkan oo da’ayay mudo kooban ayaa Watay dabaylo waxana uu khasaaraha ay gaysteen u badan yahay mid hantiyeed iyo burbur dhinaca dhismayaasha ah.

“Ma jiro ilaa hada wax tirakoob ah oo rasmi a oo la sameeyay, balse rroobka da’ay ma badnayn waxana uu da’ayay mudo hal saac ka yar, waxana jira khasraare hantiyeed oo ka dhashay, waxana ka mid ah degaanka Karuure in khassraarahu uu yahay in uu baabi’iyay guryahii aqalsoomaaliga u badnaa ee magaalada ku hareeraysnaa 130 ka mid ah, Isgaadhsiintii uu ka jaray Dusgigii Hoose dhexe ee degaankaas oo uu dumiyay, goobo ganacsi oo iyagana uu jiingadii ka qaaday ayaa jira, sidoo kale khasaare ayuu u gaystay MCH-kii Degaankaas” ayuu yidhi Maayar Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood.

Dhanka kale Maayarka Degmada Cali Xaydh Axmed Carab Dugsiiye oo shabakada Hadhwanaagnews khadka taleefanka kula soo xidhiidhay ayaa u xaqiijiyay khasaaraha uu roobku u gaystay Cali Xaydh, waxana uu tilmaamay in roobabku ay dumiyeen  guryo badan oo iskugu jira Aqal soomaaliyo iyo guryo dhagax ah,  sidoo kalena uu dumiyay MCH-kii degaankaas, ilaa hadana qasaarahu aanu sugnayn oo uu socdo tirakoobkii rasmiga ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com