Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Qabile Oo Cadeeyey Cida Gaadhi Karta Xalka Ugu Dambeeya Ee Muranka Doorashada

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay is bedelka ku yimid 82 xubnood ee Golaha Wakiilada, oo 81 noqday, madaama ALLE u naxariista dhawaan uu dhawaan geeriyooday Xildhibaan Cali Aareeye.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale sheegay in taladda ugu dambaysa iyo go’aanka ugu dambeeya ee Doorashada ay ka go’aan Madaxweynaha, loona baahan yahay in Madaxweynuhu go’aan rasmiya ka gaadho, oo aanu ka meeraysan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya is bedelka ku yimid kuraasta Golaha Wakiilada, “ALLE ha u naxariiste Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye, uu geeriyooday, kuraasta Golaha Wakiiladuna wuxuu ahaa 82 kursi, haddana wuxuu noqday 81 kursi, madaama ALLE u naxariiste Cali Aareeye uu ka soo baxay Gobolka Awdal, gaar ahaana Xisbigii UDUB,kaydkii UDUB, ee awdalna uu dhammaaday, xeer sheegaya in Xisbi kale booskan buuxiyana ma jiro, markaas 81 xubnood ayuu Golaha Wakiiladu ahaanayaa,inta Doorasho dambe laga qabanayo, in Golaha Wakiiladu maanta noqdo 81 xubnoodna waxaa keenaya raagitaanka aanu ku raagnay, ee haddii Doorashooyinka sidooda loo qaban lahaa tan maanta dhacday may dhacdeen”.

Mar uu ka hadlaayey cidda ay ka go’do inay Doorasho ka dhacdo iyo khilaafka ka dhex taagan wali Xisbiyada ayaa yidhi ” Waxa dhaqan iyo caado inoo noqday inay Doorashooyinku kolba dib ay u dhacaan, laba Xisbina Doorasho ma gali karaan, Xisbiga Waddani-na wuxuu xaq u leeyahay in laga bedelo Komishankan uu kalsooni darada ka muujiyey,Xisbiga Waddani waxaanu doonayn qasab, cabudhin iyo juujuub laguma marsiin karo, ee waa in Komishankan la bedelaa, oo la magacaaba Komishan kalsoonida la wada siiyo, Daahir Rayaale iyo Axmed Siillaanyaba hore ayey Komishanka u bedelaan, ee Xisbiyada murankoodu waa meel suke ee Madaxweyne taladda ugu dambaysa ee Doorashadu adiga ayey ka go’daa ee waxba ha ka meersayn, ee Komishankana kala dir, wax kasta oo Doorashada ku dhici kartana adigu fududee, wax kasta oo Doorashada dhicitaankeeda caqabad ku ahna meesha ka saar

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com