Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Iiraan Oo Tayaysay Yuuraaniyaamteeda In Ka Badan Intii Loo Xadeeyay”

“Iiraan Oo Tayaysay Yuuraaniyaamteeda In Ka Badan Intii Loo Xadeeyay”

Dawladda Iiraan ayaa jabisay heshiiskii ay la gaartay quwadaha caalamka sannadkii 2015,

kaas xadidayay tayaynta yuuraaniyaamteeda, sida ay xaqiijisay hay’adda la socota arrimaha hubka wax gumaada ee IAEA.

Hay’addan caalamiga ah ayaa sheegtay in kormeereyaal ka socda ay xaqiijiyeen in laga badiyay 300km.

Iiraan ayaa bishii May dardar galisay soo saaridda yuuraaniyaam la tayeeyay, taas oo ay u isticmaalaysay si ay uga dhigto mid laga dhaliyo tamar balse sidoo kale laga samayn karo bambooyin nukliyeer ah.

Waxay sheegtay in ay ka jawaabayso cunaqabataynada uu ku soo celiyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kaas oo isaga baxay heshiiskii lala galay Iiraan.

UK iyo Jarmalka ayaa Iiraan ugu baaqay in ay ka laabato go’aankaas, halka Maraykanku uu ka sheegay in uu sii wadi doono istaraatiijiyaddiisa “uu caddaadis aadka u badan ku saarayo” Iiraan.

Dalalka Yurub ayaa ka digay in heshiiska oo laga baxo ay cawaaqib ka dhalan doonto, heshiiskuna uu ogol yahay in dib loogu soo celiyo cunaqabataynno dhinacyo badan oo laga qaaday si Iiraanna ay ugu badalato in ay xaddido hawlaheeda nukliyeerka.

Arrintan ayaa timid iyadoo bariga dhexe ay ka taagan tahay xiisad cirka isku sii shareeraysa, Iiraanna ay soo ridday diyaarad aan kuwa duuliyuhu la socon ah oo Maraykanku lahaa taas oo maraysay marinka Hormuz iyadoo lagu murmay xaaladda lagu soo riday, Maraykankuna uu Iiraan ku eedeeyay labo weerar oo lagu qaaday maraakiib shidaal waday.

Iiraan maxay tiri?

Warbaahinta Iiraan oo soo xiganaysa wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Javad Zarif ayaa Isniintii xaqiijisay in yuuraaniyaamta la tayeeyay 3.67% – arrintaasina ay dhaafsiisan tahay xadkii rayidka loo ogolaa ee quwad koronto ka dhalinta ku ekaa.

“Tallaabada xigta een qaadayno waa in aan tayayno yuuraaniyaamta in ka badan 3.67% midaas oo ah inta heshiisku ogolaa,” ayuu yiri. wuxuu intaas ku sii daray “Reer Yurub waxay ku guuldarraysteen oofinta ballantii ay qaadeen ee ahayd in ay ilaaliyaan danaha Iiraan ugu jira heshiiska la gaaray.

Zarif ayaa carabka ku adkeeyay in tallaabooyinka ay Iiraan qaadayso “dib looga laaban karo” haddii reer Yurub ay billaabaan oofinta cahdigii ay galeen.

BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com