Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dalalka Africa Oo Yeelaneya Soon Ganacsi Oo Xor Ah

Madaxda Africa ayaa maanta ku kulansan magaalada Niamey ee caasimadda dalka Niger, si ay ugu dhawaaqaan zoon ganacsi oo xor ah oo ka wada dhaxeeya dhamaan qaaradda Africa.

Barnaamijka Zoonka Ganacsiga Xorta ah Africa ayaa haddii uu guuleysto waxa uu mideyn doonaa 1 bilyan iyo 300 oo milyan oo qof oo ku nool Africa, waxana uu abuuri doonaa fursado ganacsi oo gaaraya $3.4 trillion oo doollarka Mareykanka.

Mashruucan oo Africa u furi doona bog cusub oo horumar dhaqaale ah, ayaa wadahadalkiisu ay soo billowdeen 17 sannadood ka hor, hase yeeshee kaddib afar sano oo wadahadallo aad u adag oo ay dhamaan madaxda Africa ka yeelanayeen ganacsiga xorta ah ee qaaradda ayay maanta hogaamiiyaasha dhaqaajiyeen mashruucan ganacsi.

Moussa Faki oo ka mid ah madaxda Midwoga Africa ayaa furitaanki shirweynaha madaxda Africa oo socon doona ilaa berri ka sheegay in maanta ay Africa u tahay maalin taariikhi ah.

Madaxweynaha Masar Cabdilfarax Al Sisi oo hadda ah gudoomiyaha Midowga Africa ayaa isna sheegay in indhaha caalamka oo dhan ay hadda soo eegayaan Africa.

Dalka Eritria ayaa noqday dalka kaliyah ee aanan saxiixin heshiiska zoonka ganacsiga xorta ah ee Africa, hallka Nigeria oo ah dalka ugu dhaqaalaha weyn Africa uu maanta saxiixay.

Tallaabada ugu horreysay ee iskaashiga ganacsiga xorta ah ee Africa ayaa ah in dalalka ay tuuraan ama aad u yareeyaan canshuuraha ay saari jireen badeecaha ay dalalka Africaanka kala iibsadaan, laakin waxaanan wali lagu dhawaaqin waqtiga rasmiga ah ee uu billaaban doono barnaamijkan.

Zoonka Ganacsiga Xorta ah ee Africa ayaa noqonaya kan ugu weyn caalamka, kaddib aas-aaskii Hey’adda Ganacsiga Aduunka ee WTO oo la sameeyay sannadki 1994-ki.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com