Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Nabad HAA Colaad MAYA Amb KAYSAR CABDILAAHI MUXUMED

Nabad HAA Colaad MAYA !

Asalaamu Calaykum

Marka hore waxaan Allah uga baryayaa inuu saamaxo oo uu u dembi dhaafo inta ku dhimatay Colaadaha Ceel-afweyn iyo Nawaaxigeeda inta ku dhaawacantayna uu Shaafiyo. Aamiin. Dagaalkaasi waa mid Xaaraan ah oo ruuxa ku dhinta iyo ka wax dilaaba ay Naartu Hoy u noqon doonto sida ay Culimadu inoo sheegtay.

Dadkaas halkaas ku dagaalamayaa waa qaar uu dareenkooda iyo dadnimadooduba ay dhimatay oo Xoolaha ka caqli liita, waxaana loo baahan yahay in loo taliyo oo gacan bir ah lagu qabto oo si xoog ah loo kala fujiyo.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in Baadhis xoog ah oo degdeg ah lagu sameeyo cida hurinaysa Colaadan ee laga yaabo inay daaha-dabadiisa ka hagayaan, waxaana Waajib ah in Laamaha Amaanka iyo Ciidamada Sirdoonku ay isha ku hayaan Xubnaha lagu tuhmi karo inay fidnadan ku lug-leeyihiin kuwaasoo noqon kara Siyaasiyiin damac shaydaani ah leh ama xubno-dhaqameedyo bilaa damiir ah.

Waxaan usoo Jeedinayaa Ciidamada Qaranka ee Somaliland inay burburiyaan gacantana ay ku dhigaan Gaadiidka iyo Hubka ay ku dagaalanayaan dadkaas uu Damiirka Islaamnimo uu ka dhintay ee Xoolaha ka caqliga liitaa.

Ummada reer Somaliland way soo daashadeen Colaado iyo dagaalo qadhaadhi, diyaarna uma aha inay dib ugu noqdaan wixii ay ka soo gudbeen xilli hore oo ay Raad Arooryo dib u raacaan.

Waa Waajib Diini ah iyo mid Damiiri ah in Muwaadin kastaa uu u guntado deminta Colaadaas lagu riiqday ee dheg-xumada ku ah Dalkeena.

Ugu danbayn waxaan leeyahay NABAD HAA, Colaad MAYA

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com