Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ambsaddor Kaysar Maxamed Oo Si ayaa qoraal kaga Waramay Colaada Dabada Dheeratay Ee kajirta Deegaanka Ceelafwayn isagoo Weedho Dardaarana Usoo Jeediyay Bulshada Ku Nool Deegaankaasi

Ambsaddor Kaysar Maxamed Oo Si ayaa qoraal kaga Waramay Colaada Dabada Dheeratay Ee kajirta Deegaanka Ceelafwayn isagoo Weedho Dardaarana Usoo Jeediyay Bulshada Ku Nool Deegaankaasi

waxaanu u dhignaa sidan

Colaada Ceel-Afweyn iyo Nawaaxigeeda ka socotaa waxay Bar-madow ku noqotay guud ahaan Ummada reer Somaliland gaar ahaan dadka Deegaankaas ku nool ee Waligood halkaas ku noolaa, waligoodna halkaas ku wada noolaan doona ilaa la gaadhayo Saacada Qiyaamaha.

Qofna Sharaf ku heli maayo inuu Walaalkii Dilo, ama uu Walaalkii Weeraro ama uu Walaalkii Qixiyo. Ma jiro Xoog kasta iyo Xeelad kasta oo la isu adeegsado oo qofna dhulkii uu Allah ku abuuray lagaga qaadi karo, waa wax hore loo soo tijaabiyay inaan Reerna aanuu Reer kale Guul kala hoyan karin, waa Gacmo-daalis iyo Colaad madhalays ah oo aanay cidna faaiido ka helayn, balse dhinac kastaa uu ka dhaxlayo dhimasho, dhaawac, qax iyo murugo joogto ah oo ay ku waayayaan Aabboyaal, Abtiyo, Adeerro oo Hooyooyin badan ay Hengefta Cad u xidhayaan, Carruurro badanina ay ku Agoomoobayaan.

Colaada Ceel-Afweyn maaha mid goolal siyaasadeed lagu kala dhalin karo, maaha mid macaash syaaasadeed laga dayi karo, maaha mid cid gaar ah lagu xumayn karo, maaha mid Shakhsiyaad ama Kooxo Ama Qabiilo ay isugu hoos-gabban karaan.

Waxaa Waajib ku ah Qof kasta oo uu damiirkiisu nool yahay inuu u guntado soo afjarida Colaadaas si kama-danbays ah. Waxaa Waajib ah in Xukuumad iyo Shacbi, Mucaarid iyo Muxaafid, Rag iyo Dumar, Culimo iyo Caamo dhamaan la isu taago soo Afjarida dhibtan soo jiitantay ee dheg-xumada inagu ah dhamaanteen.

Ummada reer Somaliland waxay hore usoo xalliyeen oo ay usoo afjareen Colaado iyo Dagaalo ka waaweyn kana baaxad weynaa mashaqadan imika ka taagan Ceel-afweyn.

Umnada reer Somaliland awwood iyo waayo-aragnimo buuxda ayay u leeyihiin joojinta iyo soo afjarida Colaadaha, waxaana ku Waajib ah inay si kama-danbays ah oo degdeg ah loogu hawl galo soo Af-meerida Colaadan Cambaarta ku ah Qof kasta oo reer Somaliland ah.

Waxaan ka Codsanayaa Qof kasta oo Colaadan si Toos ah ama si Dadban ugu jiraa inuu faraha kala baxo oo uu Allah u Toobad keeno oo uu ogaado in dadkan is dilayaa ay yihiin dad Walaalo ah oo aan waligood kala guuri doonin oo ku wada noolaan doona goobtaas uu Rabbi ku abuuray, Allahna uu kala xisaabtami doono qof kastaa kaalinta uu ku leeyayay dhiigaas Walaalaha ee Xaq-darrada ku qubanaya.

FG: Ceel-Afweyn waxaan booqanay 13/7/2016
Xiligaas oo Dadkaas Walaalahi ay Nabad ku wada noolaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com