Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sucuudiga Oo Ogolaaday In La Dajiyo Xoolihii Ku Xayirnaa Markabka Iyo Shuruudo Uu Ku Xidhay Kuwa Dambe

Dawlada Sucuudiga ayaa ogolaatay in la dajiyo xoolo gaadhaya 20,000 oo neef oo saarnaa markab ka qaaday dekeda magaalada Berbera.

Dawlada Sucuudiga oo hore u diiday in xoolahaasi la dajiyo ka dib markii ay ka wayday warqad caafimaad oo ka socota dawlada Soomaaliya ayaa go’aankan gaadhay markii ay kulamo isdaba joog ah wada qaateen ganacsatada xoolaha.

Dawlada Sucuudiga ayaa talaabada ay ku ogolaaday in la dajiyo xoolaha saarnaa markabkii ay hore u xayireen ku xidhay shuruudo ay u soo gudbiyeen ganacsatada, kuwaas oo laga dalbaday in wixii markabkan ka dambeeya ay dawlada Sucuudigu rabto shahaadada caafimaadka ee xoolahan oo ay soo bixiso dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Dhinaca kale wararka laga helayo arimaha dhoofka xoolaha ayaa sheegaya in baanka Islaamku uu xidhiidh toos ah la sameeyey dawlada soomaaliya kaas oo ka soo dhameeyey waraaqaha caafimaadka ee ay ku dhoofi doonaan xoolaha dambe ee la gaynayo wadanka Sucuudiga isla markaana ka dhoofaya dekeda magaalada Berbera ee somaliland.

Dhinaca kale xukuumada somaliland oo hore taageero balaadhan ugu muujisay isbahaysigii sucuudigu hogaaminayey ee ka dhanka ahaa dawlada Qatar ayaan xidhiidh ah ka helin isla markaana aan muujin dedaalo ay ku furdaaminayso xoolaha xayiran marka laga reebo inay shacabka u sheegto in xoolihii ugu horeeyey ee wakhtiga u diyaar garawga Xajku ay ku xaniban yihiin wadanka Sucuudiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com