Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Iran Oo Soo Saartay Digniin Ku Aaddan Gacanka

Iran hadda kadib iskama indha tiri doonto “dambiyada badeed” ee ka dhacaya Gacanka, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka arrimaha dibedda dalkaas, maalin kadib marki Tehran ay qabatay markab laga leeyahay Iraq, oo ay ku eedeysay inuu gudbinayey shidaal sharci-darro ah.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa markabaas iyo toddobo shaqaale ah oo saarnaa ka qabsaday Jasiidda Farsi ee Iran, ee ku taalla waqooyiga Marinka Hormuz, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda.

Tallaabadaas ayaa loo arkay mid Iran ay ku muujineyso awooddeeda, xilli ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Reer Galbeedka, taasi oo wasiirkeeda arrimaha dibedda Mohamed Javad Zarif uu ku eedeeyey inay hurinayaan mas’uuiliyiinta Mareykanka.

“Iran way cafin jirtay qaar ka mid ah dambiyada badeed ee ka dhacaya Gacanka, hase yeeshee mar dambe indhaha kama xiran doonto” ayuu Zarif ku sheegay shir jaraa’id

Waxa uu cambaareeyey cunaqabateynta ay Mareykanka arbacadii kusoo rogeen isaga, isaga oo sheegay in Washington ay xidhtay albaabkii diblomaasiyadda ee heshiiskii Nuclear ee la gaaray sanaddii 2015, kaasi oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay sanadkii tagay.

“Inaad xayiraad saarto wasiir arrimo dibadeed waxay ka dhigan tahay wada-hadallada oo fashilmay” ayuu yidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com