Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Heestii: Ma jin baa ma jaan baa Ereyadii: Cabdillaahi Diiriye Sooraan Laxankii: Cabdillaahi Diiriye Sooraan Codkii: Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq) iyo waraysi gaar ah

Heestii: Ma jin baa ma jaan baa Ereyadii: Cabdillaahi Diiriye Sooraan Laxankii: Cabdillaahi Diiriye Sooraan Codkii: Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq)

Ma jin baa ma jaan baa Mise jahawareer bay Arrintaydu joogtaa Sawkan jarihi aan waday Dhan kale u jan-jeedhsaday Allahayoow janniyo naar Adow kala jiheeyee Aniga jooge iga maqan Qalbigaygi lama jiro Oon jab iyo maamuus Jirrab adag la soo maray Isagana jacaylkuba Uu la Yahay dad jaalle ah Sideen ugu jaheeyaa Jibintoo hilaaciyo Sida johorad nuurtuu Meel iila joogaa Jibbadiyo Kalgacalkana Nafta waan u jari laa Sida Roob jartaale ah Ama jeerta wabiyada Ee joogta waligeed Sawkan Jabadka iga galay Jasahayga Eebbaa Jannadiisa iga siine Waxay tahay Jawaabtaydu Inaan kaba jalbeebtaa Hadduu jabiyay wacadkiiba Jaleeladu ma geed baa? Jigruhuna ma qori baa? Jilbiskuna ma bahal baa? Anna jololodaydii Ma wax aan jirayn baa? Dadka laba-Jardaaqaa Jir-jiroole siduu yahay Hadba jeego kuu dhiga Ee aan dhanna ba jirin Iyo waxa la Jaadaba Jaliilkaan ka magan galaye Nabsiguna haduu jiro Hayska Jalabuteeyee Loo joogi doonee.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com