Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumada Somaliland Oo Cadaysay Qorshaha Ay Soomaaliya Ku Doonayso Joojinta Daabacaada Lacagta Somaliland

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland haatan ah xubin ka tirsan guddida tacliinta sare, Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa sharaxaad ka bixiyey hadal madaxweyne uu laba goobood kaga hadlay, isla markaana ay bulshadu siyaabo kala duwan u fasiratay kaasi oo ku saabsanaa saldhigga millateri ee dawladda Imaaraadku ka samaysanayso madaarka magaalada Berbera.



Maanta Somaliland
Maanta Somaliland

Yuusuf oo arrintaasi ka hadlayaa ayaa yidhi; “laga yaaba, Dadka iyaguun baa siyaabo kala duwan u fasirtay, Hadalkii madaxweynaha. Horta wax faraq ah oo u dhexeeya ma jirin. Marka hore dawladda Somaliland iyo Imaaraadku waxay wadagaleen heshiis dhinacyo badan ka kooban, dalalka Imaaraadka iyo Sucuudiga oo aynu walaalo ku nahay diinta, aqiidada, arrimaha siyaasadda. Heshiisyada aynu la galnay waxa ka mid ahaa, in Base Millateri oo deked ah la dhiso, waa la dhamaystiray, in madaarka magaalada Berbera la habeeyo una isticmaalaan militeri, socdaalkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha ayuu madaxweynuhu usoo jeediyay, kana codsaday, in maadaama laba madaar uun ay imika inoo shaqeeyaan, kan Hargeysa iyo ka Berbera, in kaa berbera loo adeegsado mid shicib ah, adduunweynaha casriga ahna maanta waxaanu ognahay in madaarada labadaba loo adeegsado (Milliteri iyo Madani) markaa madaxweynuhu ummadda reer Somaliland ayuu ugu bushaaraynayay in madaarkii berbera laga shaqeeyay, si fiican oo casri ahna ay u dhiseen madaarka berbera oo ah madaarkii ugu dheeraa uguna weynaa kuwa afrika ka jira, in maanta uu diyaar u yahay in madani ahaana aynu u isticmaali doono.”

Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu farriin u diray dawladda Soomaaliya oo uu sheegay inay dagaal kula jirto Somaliland, “Dawladda Soomaaliya, Waxaynu kawada dheregsan nahay wixii ay ka yeeleen DP world iyo maalgashiga Imaaraadku ka wado gudaha Somaliland, waxaydun ogaydeen inay hor istaagaan qaadhaan-bixiyeyaashii adduunka, waxaydin ogaydeen arrintii xajka iyo tii xoolaha wixii ay ka yeeleen, maantana inay wadaan oo ay ka codsadeen dawladda Maraykanka iyo dawladda Ingiriiska iyo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF loo yaqaan, in lacagta Somaliland la joojiyo oo la baabi’iyo si lacagtooda loo isticmaalo. Sidaa darteed waxa aan leeyahay dawladda Xamar fadhida, waar ka waantooba xumaanta iyo hagardaamada aad la daba socotaan Somaliland oo ixtiraama wanaaga intabadan shacabkeeda iyo dawladoodu idinkula dhaqmaan.”

Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu baaq u diray collaada beellaha wadadega Ceel-afweyn iyo qas-wadeyaasha dhiigga dadka ku daadinaya deegaankaasi, waxaanu yidhi; “waxan baaq nabadeed cod ugu dirayaa qas-wadeyaasha maalin walba qasba ka wada deegaanka, waar Illaahay ka cabsooda, kana xishooda shacabkiina iyo dawladiina maalin walba, laga soo sheegayo warka dhiilada. Waxaan Illaahay ka baryayaa inta dhibka wada ee dibed iyo gudeba joogta, inuu Illaahay si degdeg ah inooga qabto, Waxaan ku kalsoonahay dawladda inay daacadna ka tahay, hadh iyo habeena arrintaa u taagan tahay, bulshadana waxaan leeyahay waar madaxdiina maqla oo ha dhagaysanina dhib-wadeyaasha dhexdiina maalinwalba dhiigga ka daadinaya, iyagoo leh dano gaara”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com