Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiga Waddani Oo Cadeeyey Ajandaha Lagaga Hadlayo Shirka 2aad Ee Golaha Dhexe

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay ajandayaasha ay qorshaysan tahay in lagaga hadlo shirka 2aad ee golaha dhexe oo ka furmaya magaalada Burco.

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa cadeeyey waxyaabaha lagaga hadli doono shirka 2aad ee golaha dhexe ee xisbigaasi, isaga oo meesha ka saaray in isbadal lagu samaynayo hogaanka xisbiga.



Afhayeen Barkhad Jaama Batuun oo ka hadlaya shirkan ayaa waxa uu yidhi “ka hordhici maayo laakiin laba ajande ayuu daaran yahay shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani sida caadiga ah ee shirweyneyaashii xisbiyadu leeyihiin maalinta koowaad waxa waa furitaankii oo si rasmi ah u furaya oo kalmada furitaanka ee madasha shirka yeelanaya gudoomiyaha golaha dhexe, waxaana xigi doona masuuliyiinta iyo madaxda xisbiga xilalka ka haysay inay kalmado kooban u jeediyaan xubnaha golaha dhexe iyo marti sharafta shirka timid, gudoomiyaha ayaana khudbadiisii guud ee dadweynuhu aad u sugayaan jeedin doona.”ayuu yidhi afhayeen Barkhad oo la hadlay Bulshotv.

Sidoo kale waxa uu cadeeyey waxyaabaha la qaban doono maalinta 2aad ee shirku sii socon doono waxaanu yidhi “Maalinta labaadna ajandayaasha iyo barnaamijyada xisbiga u yaalay ayaa xubnaha golaha dhexe oo kaliya ayaa wixii xisbiga qabyo ka ah haday tahay miisaaniyada, wixii u qabsoomay golaha dhexe iyo haday tahay xeerka xisbiga , waxaana ka soo bixi doona wax umada somaliland raali geliya.”

Isbadal lagu sameynayo hogaanka xisbiga ayuu afhayeen Barkhad Jaamac Batuun meesha ka saaray waxaanuyidhi “Shirka golaha dhexe waxba laguma badalo hogaanka xisbiga, hogaanka badalkiisa ama doorashadiisu waxay dhacdaa shirweynaha guud ee xisbiga, wakhtiga uu shirweynuhu dhacayo ayaana lagu mudeeyaa shirka golaha dhexe, markaa wakhtigeedii lama gaadhin balse marka la gaadho way iman doontaa waana xisbiga dimuqraadi ah oo aan cidna u xidhnayn, cidii damac, han iyo hiigsi hogaamineed leh madasha way iman doontaa waana laga wada hadli doonaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com